Markaad hesho lamaano wanagsan "

 


Helitaanka lamaane wanaagsan waxay xiriirka ka dhigeysaa mid cajaa’ib leh; xiriirku wuu qurux badan yahay, fudud yahay oo dhib yar yahay marka hesho lammaanaha wanaagsan.

Marka uu qalbigaagu dego isla markaana aad kujirto xiriirka saxda ah, waxaa jiraan waxyaabo gaar aad dareento:

1. Xasilooni

Waxaad dareemeysaa xasilooni markaad hesho lammaane wanaagsan oo kugu haboon; taasi waxaa loola jeedaa inaad ku qanacsan tahay qalbigaaguna daganyahay. 

Waxaad gashaa dareen nabadeed iyo farxad markaad hesho lamaane wanaagsan oo kugu habboon.

2. Faham

Waxaa dareentaa isfaham markaad hesho lamaane wanaagsan. Fahamku waa meel muhiim ah oo xiriiro badan ay ka fashilanyihiin, laakiin markaad hesho lamaane kugu habboon waxaad leedahay dareenkaas fahamka ah.

labadiinuba isku bog baad tihiin oo waxaa idiin fudud in aad wada xiriirtaan.

3. Jaceyl

Tani waa xaqiiq; waxaad dareemi doontaa jaceyl markaad hesho lamaane wanaagsan. Lamaanaha kugu haboon wuxuu kuula dhaqmi doonaa si wanaagsan wuxuuna ku tusi doonaa ka go’naansho, jaceyl iyo daryeel.

4. Waxaa dareentaa inaad muhiim tahay

Lamaanaha saxda ah wuxuu ku dareensii doonaa kalgaceyl iyo inaad qiimo leedahay tanina waxay ku siin doontaa dareen ah inaad muhiim tahay.

Markaad la joogto lamaane wanaagsan, uma baahnid inaad u dagaalanto qiimo iyo fiiro gaar, waxaad si qotto dheer u ogtahay in si dhab ah laguu jecelyahay.

5. Farxad iyo qanacsanaan

Waxaad dareentaa farxad markaad la hesho lamaane wanaagsan oo kugu habboon. Waxaa jira dareen farxad iyo qanacsanaan ah.

Dareenka qanacsanaanta iyo farxadda ah ma ahan waxaad ka heli doontid xiriir kasta oo aad gasho.

6. Ammaan

Markaad la joogto lamaane wanaagsan, waxaad dareemeysaa ammaan; uma baahnid inaad iska dhigto qof aadan ahayn ama waxaadan ahayn.

Lamaaneyaasha Wanaagsan Iyo Waxyaabaha Ay Ku Hormariyaan Guurkooda

Waxaa tahay asalkaaga ama qofkii hore ee aad ahayd.

7. Ka go’naansho

Waxaa jira dareen qoto dheer oo go’naansho ah markaad hesho lamaanaha kugu habboon isla markaana aad ku jirtid xiriirka saxda ah.

Labadiinuba waad ogtihiin meesha aad u soctaan waadna kawada shaqeysaan.

 

La joogitaanka lammaane wanaagsan waxay keentaa dareenka iyo shucuurta saxda ah.

Omar Hussein Mohammed

Email cumar789789@gmail.com

Comments