Geeraar jaceyl oo raali galin ah♥










Geeraar jaceyl oo raali galin ah♥

Gabadhii aan jecleyee
Gayaanka aan kasoo xushaay
Gacaladeydii qaaliga aheydeey
God inaan ku dhacoo
Geeri aan daris la noqdiyo
Gargaar inaad ii fidasaaa
Labadaa un bey mid noqone
Guule weynihii na uumaan
Gacmaha uu hoorsanayaaa
Gudcurkiyo mugdiga daran
Guuraha habeenkiii
Gobtii aan u dheelmadee
Garaadkeedu wacneyey
Gef yar oon galay maad
Gadaal ii marisoo
Gabi ahaanba qalbigaagii
Iiga goysay macaaney .
Gafkii aan kaa galay iyo
Gardaradaan kuu geystay
Guulaan kuugu dhaarshee
Iga saamax mcnto "

wixii codsi ah halkaan noogu so dir 

cumar789789@gmail.com 

Comments

Post a Comment