dareen dhab ah oo uu qof u qaado ruux kale, kaasoo uu doonayo inuu la wadaago nolosha isagoo aan ku qanceynin cid kale oo u baddasha, waana mid si isku mid ah u haleela ragga iyo dumarkaba, inkastoo uu badanaa ku hormaro labada qof midkood.
Mid ka mid ah sheekooyinka xiisaha badan ee la xiriira jacaylka dhabta ah ayaa ku saabsan abwaan soomaaliyeed oo wakhti dheer jeclaa gabar uu calmaday.
Inta aanan guda galin sheekada waa kuma qofka ay khuseyso?
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu in ka badan 60 sano ku soo jiray Fanka Soomaaliyeed, waana shakhsi ay aad u yaqaannaan dadka ehelka u ah sugaanta, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Waxaa lagu xasuustaa Riwaayaddii uu ku caan baxay ee la oran jiray 'Alle aamin ma iisho', taasoo soo baxday horraantii sannadkii 1964-kii, wuxuuna sidoo kale sameeyay ku dhawaad 40 riwaayadood iyo heeso fara badan.
Abwaanka oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa wuxuu leeyahay taariikh jacayl oo dhab ah, aadna u xiiso badan.
Wuxuu guursaday gabar uu jeclaa muddo 22 sano ka hor ah.
In badan oo ka mid ah heesihiisa wuxuu ku cabiray jacalkiisa.
"Heesaheyga dadku waxay ugu jecelyihiin midda uu qaaday AUN Maxamed Axmed Kuluc, taasoo oo uqaaday gabadh uu jeclaa , waxuuna guursaday 22 sano ka dib"
Heestaas, oo uu abwaanku ku ammaanayay gabadha, jacaylkiisana ugu sheeganayay, ayay qaar ka mid ah erayadeedu ahaayeen sida soo socota:
Sida geed caleen iyo
Ubax guud ka qariyeen
ooy gooni laamaha
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midho ah leedahay
oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqo ah
durdur aan go'ayniyo
gacan webi ku yaaliin
oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.
Gabadh yahay kalgacal baa
goortaan ku eegaba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.
Laakiin gabadhii ayuu sheegay inuu nin kale ka guursaday, arrintaasna uu aad uga hinaasay.
Gabadha iyadoo aan heshiinay oo aan ahayn walaalo isjecel, guurna ku heshiinay ayuu nasiibku na kala geeyay. Waxaan la shaqeynayay Maxamed Aadan Dacar, oo aan guurkiisa kala shaqeynayay. Labo casho ayaan ku mashquulay, marki aan soo laabtayna waxaan u imid iyadoo gabadhii la guursaday".
Maxaa luray naftaadii?
Hinaase awgiis ayuu abwaanku u sameeyay hees la magac baxday 'Maxaa luray naftaadii', oo ay ku luuqeysay fannaanadda Hibo Nuura, waxayna qeybo ka mid ah miraheedu ahaayeen sidan:
Innakoo lamaane ah
iyo labo naf qeybsi leh
talo geed ku laashee
adigaa is lumiyoo
isu loogay cadowgoo
libintaadi siiyee
waa adiganse liitee
leexadu ku sidatee
hadba laan cuskanayee
liibaanteed adduunyada
ruuxna laasan maayee
Muddo ka dib Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu calaf u yeeshay inuu guursado gabadhii uu jeclaa, 22 sano ka dib "
Omar Hussein Mohammed
Email Cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment