Xuquuqda iyo waajibaadyada lammaanayaasha is qaba


Lammaanaha is qaba waa siman yihiin. Guurkoodana waa inay ka muuqato is aaminaad dhexdooda ah ayna si wada jir ah horumarka qoyska uga wada shaqeeyaan.
Labada is-qabta mid walba wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro arrimihiisa, inuu shaqo tagayo ama ka qayb-galayo arrimaha mujtamaca iyo hawlo kale oo qoyska ka baxsan sida shaqo waxbarasho I.W.M

Waajibaadka masruufka ee lammaaneyaasha

Lammaanahu waa inuu intii tabartiisa ah ka qayb qaato dhaqaalaha qoyska iyo masruufka lammaanaha kale. Haddii labada lammaane midkood uusan shaqayn, lammaanaha dhaqaalaha roon waa inuu masruufa kan kale, tusaale ahaan inuu ka kaalmeeyo xaga cuntada iyo dharka.

Carruurta iyo guurka

Marka naagta guurka ku jirta ama la qabo ay cunug dhasho, nidaamka macluumaadka waxaa ninka naagta qaba si toos ah loogu calaamadeynayaa aabaha cunugga. Labada waalid waxaa loo qorayaa mas'uuliyiinta cunugga.
Lamaanaha isqaba waxay wadajir u soo korsan karaa cunug. Soo korsashada waxaa lagu qarariraa sharciga soo korsashada. 

Hantida

Handida uu lammaanuhu leeyahay, markuu guursanayo iyo mida uu helo markuu guursaday ka dib asaga ayaa iska leh. Lammaanuhu waxay wada samaysan karaan hanti ay wada leeyihiin. Lamaanayaasha isqaba waxay hantidooda u leeyihiin xuquuqda guurka. Haddii uu guurku furiin ku dhamaado, dhamaan hantida la isku daray ee lamaanaha waxaa loogu qeybinayaa si siman. Haddii guurku uu ku dhamaado geerida lamaanaha kale, hantida la isku xisaabiyay ee lamaanayaasha waxaa loo qeybinayaa kuwa leh dhaxalka lamaanaha geeriyooday iyo lamaanaha nool. Dardaaran laguma burin karo xuquuqda guurka. Haddii lamaanuhu ay sameeyeen shuruud guur, hantida waxaa lagu qeybinayaa marka ay taagantahay xaalad furiin iyo dhimashada lamaanaha kale si waafaqsan heshiiska shuruudda guurka.

Deynta

Lammaane kasta wuxuu mas’uul ka yahay daynta uu asagu qaatay guurka ka hor ama guurka dhexdiisa. Haddii mid ka mid ah lammaaneyaashu uu deyn u qaatay masruufinta qoyska awgeed, tusaale ahaan soo iibinta cuntada, markaas labada lammaano waxay mas’uul ka noqonayaan deynta cuntada. Haddii ay doonayaan lamaanuhu si wadajir ah ayeey u qaadan karaan deyn, markaasna waxey si wadajir ah mas’uul uga yihiin bixinta deyntaas.

Guri lawada leeyahay

Guriga lawada leeyahay ama alaabada dhextaala lammaaneyaasha midkoodna ma iibin karo asagoon ruqsad ka haysan midka kale, siddo kale tusaale ahaan ma iibin karo qalabka guriga.

Dhibaatooyinka guurka?

Haddii aad qabto dhibaatooyin la xiriira xiriirka lamaanaha, waxaad caawimaad ka raadsan kartaa tusaale ahaan rugta latlinta qoyska ee degmadaada ama rugta caafimaadka. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga Www.cumarrooti.blogspot.com
So diyaariyay
Omar Hussein Mohammed

Comments