Jacaylku waa dareen qurux badan, habdhaqan toosan, waxa uu ku dhisan yahay ficillo runsheeg leh oo waaqica ku dhisan, waa akhlaaq wanaagsan iyo in nafta iyo dadka kale loola dhaqmo sida ugu wanaagsan ee macquulka ah, Jacaylka Alle iyo Rasuulkiisa, kan walaalnimada ku dhisan ee dhabta ah ee Alle xuduudiisa la dhowrayo, jacaylka waddanka iyo daacadnimada, jacaylka labada waalid iyo in loo baarinimo sameeyo, jacaylka nafta ee isla weyninka ka fog, jacaylka lamaanaha ee isa-saamaxaadda is cafinta ku dhisan, deeqsinimada leh, jacaylka quruxda iyo dabeecadda soo jiidashada leh.
Dhammaantood waa noocyo ka mid jacaylka, laakiin, haweenayda la talinta arrimaha qoyska ee (Ariij Xaamid) ayaa ka digtay in uu qofka ku dhaco noocyo kale oo jacayl ah oo mugdi badan oo loo yaqaanno jacaylka taban ee aan wanaagsaneyn, waxaa ka mid ah:
1- Jacaylka indho la’aanta ah: Waa mid ku dhisan in qofka loola dhaqmo sidii inuu yahay qof macsuum ah oo aan khaldami karin, waxaad arkaysaa qofka oo jacaylkiisa si indho la’aan ah u difaacaya.
2- In Waxwalba aad uga tanaasusho qofka aad jeceshahay: In hamigaagii nolosha fikirkaaga aad uga tanaasusho qofka aad jeceshahay, qofka kolba sida uu shey uga tanaasulayo marka dambe shaqsiyaddiisa ayuu waayayaa, xaaladdu waxey aad kuugu xumaaneysaa marka aad aragto qofkii aad waxwalba u huraysay inuu qadarin waayay naf hurka aad u sameynayso.
3- lamaane aan isku dhigmin: Inaad hesho lamaane kuu qalma 100% oo aad si weyn iskula jaanqaadi kartaan waa mid aan la gaari karin, ugu yaraan waa inuu uu jiro waxaad iska shabbahdaan oo aad ku wada dhaqmi kartaan oo dabeecaddiina aad iskula keeneysaan.
4- Inaad si xoog leh iskugu dhul dhigto jacaylka: marka aad si xoog ah isku dhul dhigto jacaylkaaga waxaad ogaataa iney meel aan wanaagsaneyn kula aadayso, sida ay maahmaadu tahay (lamaanahaagu waa wixii aad barto, ilmahaagana waa wixii aad ku barbaariso), jacaylku kuma dhisna in qof qura uu waxwalba huro, waxey ku dhisan tahay xiriir la wada hayo oo la wada dhowrayo.
Ugu dambeyn, qofka ku dhaca noocyadan jacaylka ah ee mugdiga badan mar un buu ka qoomameeyaa, marwalba waa inaadan ka tanaasulin qiimahaaga gaar ah iyo hadafkaaga nolosha, waxa uu qalbigu aqbalay ayaa marka dambe caqligu diididoonaa, waa tan keenaysa in xiriiro badani uu fashilmaan ama qof un dhankiisa hagaldaac uu ka yimaado.
Omar Husein Mohammed
( Omar rooti )
Comments
Post a Comment