Jaceylku waqtigan waa dhif iyo naadir. Waxaa jira dad iskugu baaqa jaceyl "
Jaceylka dhabta ahi waa qalbiga; jaceylka dhalanteedka ahina waa idhka. Sabobtaas ayuuna ka hore waligii u joogaa; ka danbana jidhka la dhammaadaa. Maxaa ka weyn jaceylka”
Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda "
Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda "
Jaceylka dhabta ahi waa ka hela naf iyo jidh wada jira; waana ka ay ku kulmaan labo jaad: A) Wixii uu jidhku doonayey, iyo B) Wixii ay naftu jamanaysay.
Noloshu qurux malaha haddii uuna jaceyl jirin; jaceylna ma jirayo nolosha haddii uuna isdareen (damqasho) nooli jirin. Dareemiddana lama kobcinkaro haddii ayna jirin nolol leh jawi ay ka soo burqanaso quruxi. Dhamaan kuwaasi waxa ay u baahanyihiin fanni, fankuna jaceylka dhexdiisa waa safaaraddau metesha labada wadaagayaasha (labada isjecel)
Walaalkey ninoow, gabadhu waxa ay leedahay caqli furfuran, waxayna u baahantahay qalbi caashaqa.
Uma baahna maskax fariid ah. Jeclow oo noocyada quruxdeeda ee kala duwan fiir fiiri, mararka qaar codkeeda ku raaxeyso;
mararka qaarna jidhkeega. Wax xishood ahi ma dhexyaallo labada wax isku darsadey ee wax wada wadaagaya [Lamaanaha].
Gabadhu waa caalam bilaa xuduud ah, waxaanad u furfurataa caalamkaa si cajiib ah; maaha codsi.
Walaalkey ninoow, gabadhu waa Dugsi (School) jaceyl, ha isku dayin aad macallin ka noqoto Dugsigaa adiga oo aan haysan shahaadadii. Naftaada ka dhig tababarte, haka dhigin tababare (Coach). Isku day in aad dumiso deyrarka idiin dhexeeya adiga iyo wadaagahaaga. Ku nooloow dhabteeda (gosheeda) adiga oo aan labalabaynayn. U noqo sidii Nebi Muxamed u ahaa Khadiija. Ha noqon dhagax bilaa dareemo ah. Ula oy (ilmee) marka ay daciifto, sida aad ujaceyl daraadeed u dhunkato marka aad gogosha jiiftaan.
Kaasi waa fahanka jaceylka waqtigan ee muuqda, ha kala bakheylin naftaada in aad fahanto oo aad jeclaato, noloshu intaabay ku dhisantahay. Allah mahad leh.
Fadlan nala wadaag wixi rayi ah aad qabto "
Mahadsanidiin
( Omar rooti )
Comments
Post a Comment