Suaalo Ay Tahay Labada Qof Inay Isweydiiyaan Ka Hor Guurka

Www.cumarrooti.blogspot.com

Guurka iyo gayaan raadintu waa howl culus oo u baahan xilkasnimo iyo isbarasho dhamaystiran, waxaa in badan guurdoonku la kulmaan xaalado muujinaya in dhinaca isbarashada dhaliilo ka jiraan, islamarkaasna abuuri kara khilaaf xoog leh oo keeni kara burbur qoys, hadaba si aysan taasi oo kale udhicin, qof walbana uu helo xog dhamaystiran, waxaa laga maarmaan ah oo muhiim in la isweydiiyo su’aalahan:
  1. Waa maxay ujeedaada ku aadan guurka, maxaadse rajaynaysaa mustaqbalka inaad ku sugnaato?
Waa arin muhiim u ah in la isweydiiyo, maxaa yeelay ujeedada guurka aad ka leedahay waxay noqon kartaa inaad hesho lacag, caruur, raaxo iwm. Hadaba hadii ay iskhilaafto ujeedooyinka labada isdoonaya, waxaa u fiican inaysan isdhibin, oo aysan kharashna gelin, beena isu sheegin.
Hadii aad is guursataan maxaad ka rajaynaysaa reerkaas, maxaad ka dheefaysaa? Arintaas waxay muujinaysaa qaabka aad u fakarayso iyo ujeeddooyinka waaweyn ee aad higsanayso, hadaba hadii aad isku khilaaftaan ujeeddada aad ka leedihiin guurka, oo midkiin doonayo dhaqaale, dhoof iyo ujeeddooyin kumeel gaar ah, waxaa hubaal ah in qoyskaas burbur halis u yahay.
2. Maxaad doonaysaa mustaqbalka inaan noqoto? Xagee doonaysaa inaad degto, side doonaysaa inaad u noolaato? Maxaadse damacsan tahay mustaqbalka dhaw inaan gaarto?
Tusaale ahaan hadii aad doonayso adigu inaad dalkaaga degto waxna ku barato, caruurna dalka ku dhasho, laakiin lamaanahaagu doonayo inaad qaxooti ku ahaataan dal shisheeye caruurna idin kugu dhalato, waxaad ku kala fakaraysaan labo nolol oo aad u kala fog, marka sidee reer ay wada dhiseen labadaas qof u noqon karaa mid waara, kana badbaada saamaynta weyn ee uu leeyahay qodobkaan.
3. Maxaad ka fahansan tahay guurka?
Ma waxaad u aragtaa guurku inuu yahay in lagu raaxaysto, mise inuu yahay in caruur ladhalo, mise in la isweydaarsado shahwada?
Gabar xaas ahayd muddo labo sano ah, oo nagu soo booqatay xarunta Sacaada ee latalinta qoyska, ayaa tiri: “Waxaa kadis igu noqotay ninkayga markii aan ogaaday inuu guurka u fahansan yahay galmo kaliya, ee uusan qadirinayn wax kale” layaab ma leh, maxaa yeelay dad badan ayaa sidaas u heysta, ee maxaad u weydiin weyday adigu guur ka hor?
Waa arin qabsata qoysas badan oo isku khilaafsan fahanka ay ka haystaan guurka, hadaba xarunta ayaa ku leh waxaa loo baahan yahay inaan mideyno fahanka aan ka qabno guurka, cumarrooti.blogspot.com ayaa ku leh fahankaaga guurka iyo fikirkaaga nolosho waa mid muhiim u ah lamaanaha aad doonayso inaad wadaagtaan nolosha khaaska ah, waana inaad xisaabtantaa ka hor inta aadan khasaarin, bal kawaran hadii uu u heysto guurka in caruur la dhalo kaliya, side xaaladiisu noqonaysaa hadii uu ilmo dhali waayo, hadaba akhristow dhalmadu waa nicmo ilaahay bixiyo, ee ma ahan in nin iyo naag kasta ay iska dhalayaan hadii la isu xareeyo.
4. Ma jeceshahay caruurta inaan dhalno?
Hadii uusan qof ka mid ah doonayn inuu caruur dhalo, ama aysan ula muuqan muhiim in caruur la dhalo, oo ay saameyn ku yeelatay fikradaha gaalo raacnimada ah ee la dagaalanka taranka dunida islaamka, amase aysan isku fikir ka ahayn rabitaanka caruurta, waxaa kugu adkaanaysa inaad nolol fiican ku noolaato hadii aadan ka hortegin.
Caruurtu waa hadafka ugu muhiimsan ee laga leeyahay guurka, hadii gabadhu aysan danaynayn inay ilmo dhasho waa sida reer galbeedka ka jirtee, waxaa khalad ka jiraa ujeeddooyinka qofkaas uu ka leeyahay nolosha qoyska oo dhan.
5. ma leedahay saaxiibo, waa kuwama?
saaxiibada lamaanuhu waa muraayada ugu muuqaalka fiican ee uu leeyahay, isla markaasna laga qiyaasi karo xiriirkiisa, lagana heli karo warbixintiisa oo dhamaystiran, waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado inuu yahay qofkani mid aan lahayn saaxiibo, taas oo muujinaysa inuu yahay qof xirxiran( introverted) oo aan dabeecad ahaan qaabili karin in lala noolaado, xiriir wanaaga qofka waa mid laga dheehanayo dabeecada iyo dhaqanka, sidoo kale saaxiibka fiicani waa kuwa is toosiya, ma sina qof khaladka laga saxo, iyo qof aan cidna la dhaqmin, suurtogal ma ahan in qof saaxiib aan lahayn aad guri kula noolaato, taas oo ah bakhtiyaa nasiib muujinaya dhibaato soo socoto.
6. Ma qabtaa wax cudur ah?
Waa su’aal muhiim u ah labada dhinac, si looga baxo shakiyada, waxaana fiican in baaritaan lagu sameeyo labada qof, hadii ay dalbadaan, maanta waxaa soo badanaya cudurada galmada ku faafa (Sexual transmitted diseases STD) , oo khatar weyn ku haya aadanaha oo dhan, kuwaas oo u baahan in aad looga taxadaro, lana isweydiiyo in cudur jiro, isla markaasna lagu qanco in la iswada baaro.
7. waa sidee xiriirka waalidkaa iyo walaalahaa iyo qaraabadaada?
xiriirka qofku uu la leeyahay waalidkii waa mid laga cabiri karo wanaagiisa, iyo diintiisa labadaba, sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado nooca xiriir ee waalidka uu la leeyahay lamaanuhu, maxaa yeelay guurka waxaa ka dhex dhalanaya xiriir reeraha ay ka wada dhasheen lamaanuhu, waxaana ka muuqanaya barako gaar ah qofkii xiriir fiican lalahaa waalidkiis, qof aan xiriir fiican la lahayn waalidkiis, way adag tahay inaad yeelataan xiriir fiican, maxaa wacay caqliga uu ku wanaajin waayay xiriirka waalidkiis, kuma hagaajinayo xiriir ku yimid meher.
8. maxaad ka heshaa oo samaysaa waqtiyada firaaqada, ma leedahay wax balwad ah?
waxyaalaha uu doorbido qofku waxay ka turjumaysaa ujeedadiisa gaar ahaaneed ee noloshiisa, sidaa darteed waxaa muhiim kuu ah inaad ogaato hiwaayadaha qofkaan aad la sheekeysanayso, waxaa kale oo loo baahan yahay inaad ogaato waqtiyada firaaqada waxa uu qabto, taas oo muujinayso dadnimada qofka, qeexaysana nooca nololeed uu nool yahay.
Waxaa la yaab ahayd sey aan ogayn in xaaskiisu ay cabto badeecada(shiishada) taas oo maalin usoo galay iyadoo naago badan la cabaysa, waxaa kale oo dhacda inaysan ogayn afadu in seygeedu qayilo maalinta khamiista ah, arimahaas hadii aan la isweydiin, waxay sababi karaan furiin aan lagu tashan, iyo burbur maalin kasta ku yimaada qoyskeena.
9. Waa maxay shaqadaadu iyo aqoontaadu iyo dhaqaalahaagu?
shaqada qofku uu hayo iyo aqoontiisu waa arin saamaynaysa go’aan gaarka labada isdoonaysa, waana su’aasha ugu horeysa ee maanta la isweydiiyo, shaqada qofka waxaa laga qiyaasi karaa dhaqaalihiisa, aqoontiisa, inkastoo aan inbadan run la isaga sheegin dhaqaalaha iyo aqoonta, hadana waa arin aasaas u ah nolosha guud ahaan, waxaa kale oo muhiim ah shaqada, si loo ogaado qofkani meesha uu ka kasbo dhaqaalaha uu ku noolaanayo reerku, hadii ay gabadhu guursato nin ka shaqeeyo meel xaaraan ah, waxaa hubaal ah inaan meeshaas barako iyo kheyr ka jirin,qof ALLAH ka cabsanayana ma cunayo xoolo laga shaqeeyey boob iyo dhac.

Omar Hussein Mohammed 
Omar rooti

Comments