Jaceylka isku si uma dareemaan dadka oo dhan. Adiga kaliya ayaa ka jawaabi kara waxa uu jaceyl kuu yahay.
Jaceyl lagalo
Qof la jeclaado caada ahaan waa dareen fiican. Dadka qaar dhowr jeer ayey wax jeclaadeen, qaar kalena weligood jaceyl ma helin.
Jaceylka isku si uma dareemaan dadka oo dhan. Adiga kaliya ayaa ka jawaabi kara waxa uu jaceyl kuu yahay.
Waxaa jira filimaan badan, qoraalo heeso ah, buugag iyo daabacaad badan oo ku saabsan jaceyl. Inta badan dadka waxey rabaan in jaceylka u muujiyaan qaabka iyaga gaarka u ah.
Waxaa laga yaabaa iney kala duwaanaato
Jaceyl la galo dareema kala duwan ayey yeelan kartaa marar badan. Inta badan si ka duwan ayey noqotaa marka aad muda ku jirtay jaceyl, oo ka duwan marka aad ku hor leedahay.
Waxaa laga yabaa in farxad iyo murugo uu lahaado. Waxaad dareemi kartaa xanaaq, geesinimo, farxad ama waad deganaan kartaa. Waxaa laga yaaba inaad aad uuga hesho qofka aad jeceshahay. Waxaa laga yaabaa iney kuugu adkaato inaad ka fakarto wax kale. Mararka qaar waxaad dareemi kartaa walwal, xanaaq ama maseyr markaad jaceyl gashid. Dadka qaar wey ku adag tahay iney wax cunaan ama seexdaan marka ey jaceyl galaan.
Inta badan aad bey u fiican tahay inaad ku dhawaato qofka aad jaceylka kula jirtid. Ka dib waxaa laga yaabaa inaad dareento in wadnaah uu aad u garaacmaayo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento walwal, farxad, xishood
Jaceylku wuxuu lahaan karaa waxyaaba lama filaan ah
Waxaa laga yaabaa inaad jaceyl la gashid qof aad taqaano, ama qof aadan aqoonin. Dareenka aad buu u ficnaan karaa, xitaa haddii aadan wada kulmin ama wada joogin. Waxaa laga yaaba inaad jaceyl kula jirto dad badan isla wakhtigoo.
Jaceylku lama filaan ayuu kuugu noqon karaa. Tusaala, haddii aad jeclaato qof jinsi duwan ah sidaas oo ka duwan dareenkaadii hore. Jaceylku wuxuu lahaan karaa waxyaaba lama filaan ah. Waxaa laga yaabaa inaad jaceyl la gasho qof aad u maleynin inaad jeclaan laheyd.
Wey adag tahay inaan ogaano waxa aan jeclaaneyno. Waxaa laga yaabaa iney tahay qofka xaaladdiisa muuqaal, codka ama shiirkiisa iney nasoo jiidato.
Sideen ku muujin karaa jaceylkeyga?
Waa kuwaan talooyinka qaar. Xulo shey kuugu fiican. Haa sameynin wax qariib kuugu ah ama aan kuu ficneyn.
•Dadka badoonkoodu wey farxaan marka ey ogaadaan inuu qof ka helo. Waxaa jira fursad aad ku ogaato in qofka uu kaa helo haddii aad muujisid dareenkaada.
Sideen ku ogaan karaa inuu qof i jeclaaday?
Dadka qaar si cad ayey u muujiyaan marka ey qof jecel yihiin. Dadka qaar iyaga isku reeba dareenka. Tusaalooyinka qaar oo aad ka dareemi karto haddii uu qofka kaa helo:
Dhab ahaanti wey fiican tahay inaad weydiisato haddii aad rabto inaad ogaato inuu qof ku jecel yahay. Adiga naftaada ayaa qofka weydiin kara ama saaxib ayaa kuu weydiin kara. Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsato inaad weydiiso. Laakiin way fiican tahay inaad ogaato.
Jaceyl nasiib daran
Sida qaalibka ah, wey adag tahay haddii qofka aad jeceshahay uusan adiga ku jeclayn. Mararka qaar jaceylka waa lagu dhibboodaa. Wuxuu leeyahay khibarado iyo dareema badan.
Ma xakameyn kartid dareenka dadka kala, mana ku qasbi kartid qof kale inuu ku jeclaado. Haddii uu qofka ku jeclayn, micnaheeda ma aha iney wax kaa haleysan yihiin. Laakiin waxey sidaa tahay mararka qaar oo kale.
Wey fiican tahay inaad xanaaqdid. Siu roonow. Samee waxyaaba aad jeceshahay. Isku day inaad hilmaamtid waxyaabaha ku soo xusuusinaaya qofka aad jeceshahay, sida heesaha ama sawirada qofkaas ku soo xusuusinaaya.
Dareenkaada u sheeg saaxiibkaa ama qof weyn ood ku kalsoon tahay. Waxaa laga yaabaa inaad si fiican dareentid. Dad badan ayaa sidoo kale dareema iney wax ka qoraan sida ey dareemaan. Dareemaha kuwa uugu adag inta badan wey iska baxaan muda ka dib.
La hadal asxaabtaada dugsiga ama qof jooga goobta qaabilaadda dhalinta, haddii ad aad u xanaaqsan tahay aadna si xun dareemeyso.
Www.cumarrooti.blogspot.com
Comments
Post a Comment