Waxaa xalay lagu dilay 10 ruux oo hal deegaan kaso jeeda magaalada kalgacayo ee xarunta gobalka mudug Amuurtaan ayaa timid, kadib markii laba nin oo hubaysan ay dileen nin lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Dhiif oo ka mid ahaay Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug.
Raggii dilka gaystay ayaa waxaa la shegay inay eryadeen dad ka carooday dilkaasi, waxaana dadkaasi ay galeen Xaafad ku taalo duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo dhalinyaro careysan uga daba tageen, kadibna dil ay ka gaysteen.
Waxaa la sheegay in goobtaasi lagu dilay dad gaaraya 8 ruux oo intooda badan guryaha laga soo saaray, islamarkaana la xasuusay dadkaasi.
Kooxdii dilkaasi gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, kadib markii ay xaqiijiyeen inay laayeen dadkaasi shacabka ahaa.
Dhacdadan oo noqotay mid argagax badan ayaa si wayn waxaa looga hadal hayaa Magaalada Gaalkacyo oo falkaan naxariis darada ah uu ka dhacay.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sagaal qof oo ka soo jeeda degaannadaas.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.
Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.
W.Q Omar Hussein Mohammed
Comments
Post a Comment