13 Calaamadood ee Aad Ku Garan Karto Qofka Xun Marka Aad La Mucaamilayso "

Dunida aan joogno qof dhammeystiran ma jiro, dadku marar badan wey khaldamaan,

dadka wanaagsan marwalba oo ay khaldamaan khaladkooda wey qaataan cid kalena dusha kama saaraan, wey ka cudur-daartaan iyagoon wax xumaan ahi qalbigooda ku jirin.

13 kaan qodob qofkaad ku arakto waa laba wajiile hana la saaxibin kana fogaaw

1-Ma qaataan mas’uuliyadda howsha ay gacanta ku hayaan hagal-daaca ka yimaadda, xilliyada qaar waxbaa si naga noqon kara oo naga xumaanda, laakiin marka aad mas’uuliyadiisa qaadaneyso waxbadan oo laga sheego meesha mayaalaan, waxaa hubaal ay tahay inaadan naftaada sumcad darro u soo jiidayn isla markaana ku dadali doonto inaadan khaladka mar labaad ku dhicin.

2- Macluumaad badan ayuu qariyaan Macluumaadka aan waafaqsaneyn rabitaankooda wey qarinayaan si ugu dambeyn arrintaas loo illoobo.

 3- Waxey jecel yihiin iney waxawalba gacanta ku hayaan Marka ay howl ka qeyb yihiin waxey jecel yihiin iney waxwalba gacanta ku hayaan, waxwalba waa inuu u shaqeeyo sida ay hawadoodu rabto iyo doonistooda.

 4- Khiyaanadoodu wey badan tahay Arrin kasta waxey doonayaan iney maraan wadada ay u jeexaan oo doonistooda ku saleysan, dadka kale khiyaano iyo xeeladaysi ayey u isticmaalaan,

5- Waxey aaminsan yihiin iney waxwalba xaq u leeyihiin iney helaan iyagoon wax dadaal ah ku bixin Dhammaan waxaan ognahay in la inaga rabo inaan si xoog ah u dadaalno si aan u gaarno hadafkeenna iyo waxyaabaha aan dooneyno, waana wadada aan wax ku heli karno ee caddaaladda ah, dadaalkaaga iyo dhididkaaga ayaad ku gaari kartaa horumar kasta oo aad tiigsaneyso, laakiin dadka xun xun xaalkoodu wuu ka duwan yahay sidan, waxey eey aaminsanyihiin bilaa dalaal ineey wax waliba helena

 6- Waxey sameystaan waaqic kan dadka kale ka duwan Ma ogola iney dadka kale la jaanqaadaan si wanaagsan, waxey aaminsan yihiin iney marwalba saxan yihiin.

 7- Iney dadka ku ciyaaraan waa dabeecadooda caadiga ah Marwalba waxey abuuraan xaalado ay dadka kale ugu ciyaaraan oo waxey doonaan ay kaga sameystaan.

 8- Waa beenaalayaal Beentu waxey ka mid tahay noloshooda caadiga ah, kamana maarmaan sida neefta oo kale, marka aad la kulanto ogow in 70% hadalkoodu uu been yahay "

 9- Waa labo wejiilayaal Qof kasta oo ay yaqaanaan weji goonni ah ayey kula dhaqmaan oo kan kale ka duwan.

10- Xaqiiqooyin u goonni ah ayay leeyihiin Xaqiiqooyin ay aliftaan markay xaqiiqooyinka dhabta ah ku ciyaaraan ayaa ah waaqica dhabta ah oo ay ku nool yihiin.

11- Waqtigaaga ayey kaal lumiyaan Gaar ahaan marka ay ogaadaan iney jirto shaqo lagaaga rabo inaad waqti kooban ku qabato waxey isku dayaan iney waqtiga kaa dayacaan, taa waxaa ka sii daran wax jixin jiix ah kama arkaysid.

 12- Marnaba ma khaldamaan Waxaa dhici karta iney qof dhibaato xoog leh u geystaan habeenkiina uu si wanaagsan u hordo sidii inaanuu wax dembi ah gelin oo kale.

 13- Wanaagaaga ayey ka faa’iidaystaan Waxa uu kula soo hadlayaa marka 8uu dan gaar ah kaa leeyahay oo qura marka aad dhibaataysan tahay kama danqado marka aad meel wanaagsan marayso kuma faraaxsana. Si kastaba, qofka aad calaamadahan ku aragto ka fogow oo naftaada iyo noloshaada ka dheeree si aadan ugu badan dabkiisa iyo waabayda uu firdhinayo "
Email cumar789789@gmail.com

Omar Hussein Mohammed

Comments