10 Cunto Oo Kansar Laga Qaado
Waxaa baaritaan caafimaad oo la sameeyay lagu ogaaday in cunooyinka la cuno qaar kamid ah ay sababaan in uu qofka ku dhaco cudurka halistaa ee kansar kaas oo faro ba’an ku haya dunida xili wali sababta dhalisa si rasmi ah aan loo hayn waxaa iminka la shaaciyay in cunooyinka qaar ay dhaliyaan.
Cunooyinkan waxaa ka mid ah kuwo maalin walba si caadiya ay dadku u quutaan walow wadamada ay kala duwanyihiin, hada waxaa aad looga dayrinayaa cunooyinka aan ahayn Organig iyo kuwa ay ku badanyihiin waxyaabaha Kimikolka ah iyada oo aad ka dheehan karto warbixinta in si weyn looga dayrinayo cunooyin ay dad badna si weyn u jecelyihiin.
Daangada microwave-ka:
Waxaa ka mid ah waxyabaha laga dayriyay daangada lagu dubo Microwave-ka ee ku timaada Bacda ama Xaanshi, Saloolkaan ama daangadaan waxaa ku jirta kiimiko la yiraahdo perfluorooctanoic acid ( PFOA) taasoo khubarada caafimaadku ay ka digeen iyagoo ku sheegay inay sun tahay. Kiimikadaan waxay kordhisaa khatarta kansarka ku dhaca kelyaha, beerka kaadi haysta iyo beeryarada.
Khudaarta la bacrimiyay:
Cunooyinka qudaarta ee lagu bacrimiyay Kimikalka sida qudaarta uu ka midka yahay Tufaaxa, Canabka, Liinta, Afakaadhada, iyo wax walba oo la mid ah, waxana la xusayaa in Kimikada lagu beeray ama lagu bacrimiyay ay ku jirto qudaartaas maadama ay si dag dag ah ku baxday.
Yaanyada qasacadaysan:
Yaanyada qasacadaysan waxay ka mid tahay cuntooyinka sababa kansarka sababtoo waxaa ku jira maado kiimiko ah oo loo yaqaan bisphenol-A, ama BPA.
Baradhada qalalan:
Baradha la qalajiyay ee mishinka lagu sameeyay isla markaana daawada lagu daray iyadana waa laga digay, baradhadaan waxaa ku badan dufanka iyo calories taasoo kordhisa cayilka. baradhaan waxaa lagu shiilaa heerkul aad u sareeya si ay noqdaan buni lakiin tani waxay keenta wax lagu magacaabo acrylamide oo sababa kansar. acrylamide sidoo kale waxaa laga helaa sigaarka.
Cabitaanada soodhaha:
Cuntooyinka daraasadu xustay ee kansarka sababa waxaa ka mid ah cabitaanada soodhaha sida Pepsi, Cocacola iwm, Midabada macmalka ee lagu daro soodhaha iyo maadooyinka kiimikada ah ee la yiraahdo derivative 4-methylimidazole (4-MI) ayaa muujiyay inay sababaan karsarka. Daraasad lagu daabacay wargeyska nafaqada ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka caba in ka badan hal xabo oo cabitaanka soodhaha ah maalintii uu halis ugu jiro inuu ku dhaco cudurka dhiig furanka maskaxda (stroke).
Hilibka warshadaysan:
Hilibka warshada soo maray ama Box ka ku jira waxa suurogal ah in waqtigiisa uu dhamaaday, hilibkaan waxaa lagu daraa kiimiko la yiraahdo sodium nitrates taasoo u ekaysiisa mid fresh ah balse waxaa la ogaaday inay sababto kansar.
Comments
Post a Comment