Waxaa jiro sabab guusha ka dhigeyso eray “Awood badan”, mana fududa in si dhib yar lagu gaaro, guushu waa nolasha “caadiga ah” oo laga baxo laguna noolaado mid “aan caadi aheyn” si kastaba ha ahaate guushu ma ahan wax aan dhici karin, cadowgaada koowaadna waa maskaxda.
Marka dadka ay ku biiraan jaamacad waxa ay xaadiraan cahirada si maalinle ah ilaa muddo sanado ah, injineerada waxa ay bartaan sida dhibaatooyinka loo xaliyo, dadka dhaqaalaha dhigta waxa ay bartaan sida lacagaha loola dhaqmo, dhaqaatiirtana waxa ay bartaan sida loo daweeyo dadka xanuunsan.
Laakiin marnaba ma soo wada xasuusan kartid dhamaan buugaagtii aad baratay, sababtoo ah u jeedada jaamacadda waxa ay aheyd oo kaliya in maskaxda lagu borogaraamiyo jiho gaar ah, oo lagu badalaayo qaabkii aad u fikireysay, lagaana dhigo mid had iyo jeer ka fikira mowduucaas gaarka ah.
Waligaa ma ku fikirtay sida daawashada Tv ay saameyn ugu yeelaneyso fikirka maskaxdaada? xaqiiqdu waxa ay tahay borogaraaminta maskaxda ee aad ka qaadato Tv waxa ay ka saameyn badan yahay Kan aad ka heshay Jaamacadda, sababtuna waa:
1.Waxa aad daawataa Tv maalin kasta halka jaamacadda aadan xaadirin maalin walbo.
2. Marka aad daawaneyso Tv maskaxdaada waxa ay ku jirtaa xaaladda caafimaad ee loo yaqaan “Hilow” sababtuna waxa ay tahay xiisaha aad u qabto barnaamijka aad daawaneyso.
Ka Fogow isku dhax yaaca
warbaahinta waxa ay borogaraamin karaan maskaxdaada si ka badan ilaha kale, sidaa darteed ha ogolaan in maskaxdaada la isku dhax yaaciyo.
Inta aadan daawan Muuqaal, ama aadan daarin Tv, ama idaacad is weydii: waa maxay saameynta muuqaalkan ama barnaamijkan ku reebi karo maskaxdeyda iyo qaabka fikirkeyga?
Fikirga Wanaaji
Hadii nafsataada aad kula sheegeysto marwalbo “Ma gaari gari hadafkaas” ama aad naftaada barto arinkaasi waa mid “aan dhici karin” ogow maskaxda waxa ay arinkaasi u badali doontaa Xaqiiq.
Marka uu maskaxdaada ka guuxaayo arin aad jeceshahay in aad gaarto is bar in aad aaminto i shaygani yahay mid la gaari karo, dadku mar ayaa waxa ay aaminsanaayyeen in aysan jirin cid dabaalan karta wax ka badan 4 mile sidaa darteed tartamada ugu badan waxa ay ku egaayeen 4 mile, ilaa uu yimid maalinkaas nin jiis ahaa uu jibiyey iskoor isagoo dabaashay wax ka badan afar Mile, markaasi ka dib dadka oo dhan waa ay wada dabaasheen.
Ha sameeynin Qorsho labaad
Arinka kaliya ee guusha ku hor istaagay dad badan ayaa waxaa uu ahaa in ay lahaayeen Qorshoo labaad.
Shay kasta oo aad jecshahay in aad gaarto ma ahan “hilib karsan” waxaana lagama maarmaan ah in aad kala kulanto dhibaato, xitaa waxaa dhacda in uu kuula muuqdo “waxa aan dhici karin” sidaa darteed markii uu kugu cuslaadaba ha la soo boodin qorsho labaad.
Ku borogaraami Maskaxda in qorshahani yahay kan kaliya ee ku horyaala, iska ilaali in Fshilka aad u aqoonsato Natiijo, ogow fashilka waa hirarka guusha, saxna ma ahan in aad dhahdo bad ayaan galayaa hirna ma u dulqaadan karo, soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa “Ceel gale qoyaan la,aan ma baxo”.
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Comments
Post a Comment