Wax badan ka baro xanuunka baabasiirka.
Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig waxa timaada babaasiir Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter)
waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah Ama waxa laga yaabaa inay saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka meel wax yar ka hooseysa maqaarka taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo caadi ahaan ma aha xaalad culus
Calaamadaha lagu yaqaano "
Cuncun agagaarka futadaDhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodoXanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda
Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga la tashanaaya dhaqtar qibrad uleh
Babaasiirta dibadda uso baxsani waxey keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta xalka sameysa ee xad xatootay
Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.
Sababaha:
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noo caasoo kale ah Waxay u badan tahay in taasi la xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal waxaana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.
Cilad-sheegidda:
Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano Weydii farmasiilaha la-talin, haddii aad shaki qabtidna u tag Dhakhtarkaaga.
Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada, waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu dhakhasaha badan ee suurogalka ah.
Daaweynta:
Dadka intooda badan ee qaba babaasiir waxay ku tahay khafiif ah waxana lagu daaweyn karaa daawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan kuwaasoo calaamadaha la isku arkay wax ka qabta. Babaasiirtu ugu dambeynta iyadaa iska tagi doonta daawo la’aan hadeey dhacdo in aad dareento xanuun badab aad dhaqtar "
Ka-hortagga "
Ma jirto hab
lagu joojiyo babaasiirta laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta babaasiir.
Talooyinka guud
Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyayCun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay)Khamriga ka fogow Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan "
W\Q\ Cabdi Qaadir Muqtaar cabdulle
Comments
Post a Comment