Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka bilaabaysa dhulka Soomaalidu degto soo saarista saliida ceyriin kadib markii muddo dheer laga waday baaritaanka saliida.
Shirkadda Poly-GCL ee xarunteedu tahay dalka Shiinahaa ayaa bilowgii sanadkii hore waxa ay ka bilowday sahminta saliida iyo weliba horumarinta gooblka ay Soomaalidu degto ee dalka Ethiopia.
Keydka shidaalka ee ku jira ceelasha laga helay saliida ee gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa lagu qiyaasay 6 – 8 Trillion Cubic Feet.
Hase yeeshee soo saarista saliida ceyriin ayaa hore loogu qorsheeyay in la bilaabo sanadka 2019 hase yeeshee baahi deg-deg ah oo ay xukuumada Ethiopia u qabto inay hesho saliid lagu socodsiiyo warshadaha shamiintada ayaa sababtay in la soo hormariyo.
Illaa 450 fuusto oo saliid ceyriin ah ayaa laga soo saari doonaa ceelasha saliida ee dhulka Soomaalida Ethiopia
Waa markii ugu horeysay ee laga bilaabo soo saarista saliida ceyriin dhulka ay degaan Soomaalida waxaana hore sahan loogu sameeyay deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya la sheegay in ay ku jiraan shidaal faro badan.
Email Cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment