Diego Simeone ayaan loo ogolaan doonin inuu soo galo garoonka finalka tartanka UEFA Europa League kadib markii ay xiriirka qaaradda yurub ee UEFA garka u galiyeen afar kulan oo ganaax ah.
Ninka reer Argentina ayaa casaan la siiyay kulankii lugta hore semi finalka tartanka oo ay Emirates Stadium kula ciyaareen Arsenal, arinta ayaa ka dambeysay kadib markii uu macalinka aflagaado u geystay garsoorka.
Diego Simeone ayaan soo gali doonin garoonka kadib markii lagu eedeeyay inuu ku dhaqaaqay ficilo aan wanaagsaneyn, guddiga akhlaaqda xiriirka kubadda cagta ayaana shalay ku dhawaaqay iney ganaax dheeraad ah garka u galiyeen.
German Burgos ayaa booskiisa matalay kulankii ay Wanda Metrapolitano kula ciyaareen Arsenal lugta labaad ee Semi Finalka tartanka – sidaas darteed isaga ayaa soo fariisan doona kursiga kulanka finalka ee ay la ciyaari doonaan Marsielle.
Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Europa League 2010 iyo 2012, sidoo kalana tan iyo 2010 waxey gaareen finalkii shanaad oo yurub ah, sidoo kalana waa kii afaraad oo uu Simeone gaarsiiyo.
Sidoo kale UEFA waxey ganaaxday 10,000 kun Euro taasoo la macno ah inuu dambi weyn galay halyeeygii hore qaranka Argentina.
W/Q cumar xuseen maxamed
Comments
Post a Comment