Suuqyada dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aad u badan, waxaana aad loo iibsanayaa Timirta iyo Qaxwada, maadaama ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan dadkana ay doonayaan in ay Afur ka dhigtaan.
Qiimaha la kala siisto Timirta suuqyada Muqdisho ayaa sare u kac laga dareemayaa, taasi oo dadka bishaan si aad ah ay u gadanayaan, Kiilada Timirta ah ayaa waxaa la iibinayaa hadda qiimo dhan 36 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, halka markii hore ay aheyd 23 kun oo Shilin Soomaali ah.
Timirta ayaa bishaan oo kale marka la gaaro yeelata suuq aad u fiican, iyadoo dadku ay u ibsadaan inay ku afuraan.
Dhinaca kale Qaxwada ayaa iyaduna waxaa laga dareemayaa qiimo koror, maadaama ay ka mid tahay waxyaabaha ay dadku Jacelyihiin xilliyada Soonka.
Qaxwada oo ah labo nooc, ayaa nuuca koowaad waxaa la iibinayaa suuqyada Muqdisho qiimo dhan $6 doollar, halka Nuuca kale iibinayo $3 doollar.
Timirta iyo Qaxwada ayaa ah waxyaabaha ugu badan oo ay dadku isticmaalaan xilliga afurka inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Soonka.
Cumar xuseen max'ed" cumar rooti "
Comments
Post a Comment