Ardayda Beledweyne oo aan imtixaan geli doonin Saaka

Inta badan Saaka waxaa imtixaanka u fadhiisan doona ardayda Dugsiyadda Sare ee hoos yimaada Dalladda Waxbarashadda ee Fpens, sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah maamuladda Iskuuladda.
In ka badan 10 Iskuul oo ku yaalla Magaalada Beledweyne ayaa ka baaqan doona Imtixaanka Dalladda sidda ay sheegeen maamuladda Iskuulladda Magaalada Baledweyne.
Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay biyo Fadhiisteen goobihii ay ku yaalleen Iskuuladda.
Qaar ka mid ah maamuladda Iskuuladda ayaa sheegay in saaka ay imtixaanka dalladda ay ka baaqan doonaan in ka badan 1000 kun arday oo qalin jibin la heyd Dugsiyadda Sare ee Magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha Iskuuladda Magaalada Beledweyne Axmed Dhaqane ayaa warbaahinta u sheegay in aysan heli karin goobo lagu qaado Imtixaanka, islamrkaana dhammaan Iskuulladdii ay biyo Fadhiisteen.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka kunool Magaalada ay ku sugan Xaalad adag, islamarkaana ay u baahan yihiin in la badbaadiyo.

Cumar xuseen cumar rooti 

Cumar789789@gmail.com

Comments