Lix quraafaad oo dadka qaar ay Ramadanka ka aaaminsan yihiin

Bisha barakaysan ee Ramadan ayaa bilaabatay maanta guud ahaan caalamka.
Dadka Muslimiinta ayaa xilliga maalinkii iska ilaalinaya wax cunno iyo biyo ah ilaa uu gabalka ka dhaco.
Iyada ay iska fududahay waxyaabaha laga doonayo dadka Sooman ayaa hadanaa waxaa jira waxyaabo quraafaad iyo fikiro qaldan oo ay dadka ku kala qaybsameen sanooyiin badan.
Waxaa hoos ku xusi doonaa lix ka mid ah arrimahan muranka badan dhaliyay tan iyo xiliyadii hore " 
Balse qodobada aan ka hadli doono waxa ay ku xiran tahay qof ba waxa uu aaminsan yahay iyo qaabka uu isago wax u fasirto.
Waxaa jira kara dad aaminsan fikiro kale oo ka duwan kuwa halkan ku xusan "

'Ilkaha oo aad cadeeysato waxa uu burinayaa Soonka.




Cadeyga iyo SoonkaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCadeyga iyo Soonka

Ilkaha oo aad cadeeyato ma burinayo Soonka sida ay culumada aaminsan yiihiin.
Mr Xassan ayaa sheegay in dadka qaar si khaldan ay u aaminsan yihiin in dhadhanka cadeyga uu qofka ku rumaysanayo ay ku filantahay in uu Soonka ka buro.
In kastoo culumo badan ay sheegeen in qofka uu ilkaha cadeysta aysan waxba ku jabnayn, Mr Xassan waxa uu hayaa tillaabooyiin dhowr ah oo qofka uu taxadar ku muujin karo.
"Talada ugu wanaagsan waa in cadey dhexdhexaad ah aad isticmaasho-waana in uusan adkeen."

'Ma laqi kartid Canduuftaada'




Qofka oo laqa CandhuftaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQofka oo laqa Candhufta

Laqidda Candhuuftaada ayaa ah mid la ogol yahay, balse sidoo kale la dhiirigaliyo.
"Fikirkan qaldan gabi ahaanba wax sal iyo raad ah ma laha," ayuu yiri Mr Xasan, "laqidda Candhuftaada waa mid dabiici ah mana jabinayso Soonka."
Waxaa burinaya Soonka ayaa ah in qof kale aad dheecaanno is waydaarsataan.
"In qof kale candhuftiisa aad laqdo ayaa ah mid ka duwan taasi oo ay tahay in laga reebtoomo marka uu qofka sooman yahay ," ayuu yiri Mr Xasan.
"Xaaskaaga uma galmoon kartid .
Muhimadda Soonka ayaa ah in aad xakameeyso baahiyahaada taasi oo ay ka mid tahay cunnada, cabitaanka iyo galmada."

'Ma cunnada iyo cabitaanka oo kali ah ayaa buriya Soonka?




Qofka Sooman waa in sidoo kale uu xanta iska ilaaliyaaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQofka Sooman waa in sidoo kale uu xanta iska ilaaliyaa

Cunnada iyo cabitaanka oo kali ah ma aha waxyaabaha buriya Soonka.
Waxyaabaha kale ee burin kara Soonka waxaa ka mid ah "Dambiyada carabka lagu galo ", ayuu yiri Mr Xasan.
"Soonkaaga ajarka ayaa laga nusqaaminayaa haddii aad qof xamato, amba aad dadka kale wax ka sheegto," ayuu yiri.

Haddii si kamaa ah aad cunno ama cabbitaan aad u cabto Soonkaaga ma burayaa?




.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Haddii aad hilmaamto in aad Sooneed islamarkana aad cunno cunto soonkaaga wuu kuu jiraa, waa haddii aad cunnada joojiso islamarka aad xusuusato.
Hasa yeeshee , haddii si lama filaan ah oo laga hortagi kara ay wax kuugu tagaan sida tusaale in adiga waaso qaadanaya markaas Soonkaaga wuu burayaa.
Mid ka mid ah 8 tillaabo ee laga doonayo qofka weeso qadana ayaa waxaa ka mid ah in qofka uu afka dhaqo , haddii ay biyo si lama filaan ah kuugu tagaabna Soonkaga wuu burayaa.
Mr Xasan ayaa yiri: "Marka aad weyso qaadanayso marka aad Sooman tahay waxaa laguugu booriyay in aadan ku dheeraan sandaarsiga ."

'Ma qaadan kartid daawo '




marka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma Soomi karaa?Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionmarka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma Soomi karaa?

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa soo saaray digniin wadajir ah oo ay ugu baaqeen ururka caalamiga ah ee dhaqaatiirta indhaha in daawooyiinka qaar ay bukaanada sii wadan karaan sida daawada indhaha lagu shubo.
Golaha Muslimiinta Britain (MCB) waxa ay sidoo kale soo saareen liis dhanka caaafimaadka ah oo isbataalada loo qaybiyay gaar ahaan xilliga Ramadanka.
Waxaa liiskani waxyaabaha ku qoran ka mid ah in qofka Sooman la siin karo daawooyiinka indhaha , dhagaha iyo qaadashada irbadaha.
Hasa yeeshee in qofka uu daawo laqo ayaa burinaya Soonka islamarkana daawooyiinkasi waa in uu qofka qaataa Soonka ka hora ama ka dib.
Mr Xasan ayaa yiri: "marka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma la iiga baahan yahay in aan Soomo?
"Waxaa quraanka ku cad ayaa ah in mar waliba aad raacdo talada dhakhtarka".

'Waa in aad Soontaa wax walba oo dhaca'

Islaamka, Soonka ayaa waxa uu waajib ku yaahay qof caafimaadka qaba islamarkana qaan gaaray ilaa 15 jir.
Waxaa dadka uu Soonka waajib uusan ku ahayn ka mid ah caruurta, dadka xanuunsan jir ahaan ama maskax ahaan, dadka tabarta yar, kuwa safarka ku jira, haweenka uurka leh iyo kuwa caruurta nuujinaya, sida ay sheegeen Golaha Muslimiinta Britain (MCB).
"Haddii qofka xilliga Ramadanka uu qof xanuunsan yahay balse uu rajaynayo in uu bogsado - waxa uu qofka Soomi karaa mar kale,"ayuu yiri Mr Xassan.
"Haddii qofka xanuunkiisa uu yahay mid dheer islamarkana uusan Soomi Karin waxa uu bixinaya fidyah - ama deeq uu siinayo maalin waliba dadka fuqarada ah.

Cumar xuseen max'ed " cumar rooti "

Comments