Skip to main content

Ruushka ayaa digniin culus kasoo saaray weerar la filayo inuu Mareykanku ku qaado Suuriya, iyadoo ku hanjabtay inay soo ridi doonto gantaal kasta oo lagu weerarro Suuriya




Iyadoo saacadaha soo socda la sugayo jawaab uu Mareykanku ka bixiyo weerar loo adeegsaday Kiimiko oo ka dhacay Sabtidii magaalada Douma ee Bariga magaalada Dimishiq ayaa Ruushku soo saaray digniintan culus.
Ergeyga Ruushka Vasily Nebenzia ayaa si cad ugu sheegay Mareykanka inaysan weerar ku qaadin saldhigyada ciidamada Suuriya, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo uu qaado Mareykanka uu dusha u ridan doono wixii ka yimaada.
Safiirka Ruushka ee dalka Lubnaan  Alexander Zasypkin ayaa laga soo xigtay in Gantaal kasta oo Mareykanku ku rido Suuriya in laga hortegi doono, lana bartilmaameedsan doono goobaha weerarka.
Hay’add saadaasha hawada reer Yurub Eurocontrol aya sheegtay inay banneysay hawada Suuriya iyo degaanada u dhow iyadool a sugayo weerar loo adeegsado Gantallaha cruise-ka.
Cumar789789@gmail.com

Comments