Fariin sidan u mac ha dirin hadii aanu jaceyl dhab ah ku hayn "


Xilli walba Oo waqtigayga ka mid ah adigaan kuu hibeeyaa neef kasta oo iga soo baxdana waan ku sii jeclaadaa. Waan ku jeclahay waayo noloshu la’aantaa macno iyo dhadhan ii malahan "
Adigaa qaatay caqligeyga iyo dhamaan maskaxdeyda mana ka fekero qof aan adiga aheyn wan ku jeclahay waayo noloshu dhadhankeedu waa adiga, waan ku jeclahay daqiiqad walbo oo aan kula joogo wey ka sii fiican tahay tii hore.
Adiga waxaad tahay qofka ugu muhiimsan nolosheyda mana ii iftiimeyso nolosheyda hadii aadan agteyda ka muuqan.
Maalintii ugu horeysay ee aan indhaha ku saaray waxaad ii furtay aragtida qalbigeyga,waxaad i tustay macaanka ay leedahay in qof la jeclaado, waxaan dareemay inaad aad ugu dhowdahay nafteyda oo aad xiriir wanaagsan la sameysatay qeybta laga xukumo arageyga. waxaan markaas kadib bilaabay inaan kobciyo aragtidaas gaarka ah, wacdaraha.com, macnaha ay i gudbineyso.
waxaan isweydiiyey sababta ay muuqaalkaas ugu horeyey ay maskaxdeyda u soo celcelineyso, sida in wax walbo oo dunida quruxda badan yaal iney aragtidaada iiga qiimo badan
Waxaan is iri armuu yahay qofkani jaceylkii dhabta ahaa, kaasoo wax walbo oo dunida yaala siiya qurux xaddhaaf ah.
Xageyga waxaad ka tahay nuur qoraxdii wadada ii iftiimin laheyd, ubixii aan ku ildoogsanaayey waxwalba oo dhacana waxaan taagnaan doonaan garabkaaga.
Waxaad ii tahay riyadii ugu wanaagsaneyd ee nolosheyda soo marta taasoo i rajogeliso. Waxaad mudug weyn ka dhisatay qeybta ugu muhiimsan qalbigeyga ee laga xukumo dareenada iyo rabitaankaba.
fadlan hadii aad heyso fariimo jcl nala wadaag "
cumar xuseen maxamed' cumar rooti "

Comments