Shana Lebowitz oo wax ka qorta istiraatijiyada shirkadaha ayaa waxa ay wargeyska iyo shabakadda The Business Insider kusoo qortay dhaqanka 10 nooc oo shaqaalaha kamid ah oo ay tahay in shaqada si degdeg ah looga ceyriyo.
Mrs Lebowitz waxey qoraalkeeda kula talineysaa madaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo sidoo kale maamulada shirkadaha.
Waxeyna kula talineysaa in marka ay shaqaale burinayaan aysan shaqaalah u ku xukumin hal qalad ama qalad oo uu sameeyay balse ay la tashadaan dadka qofkaasi uu ka hoos shaqeeya (supervisors). Waxaa kale oo muhiim ay ku tilmaamtay in lala tashado dadka sharci yaqaanada ah si shaqa ka ceyrinta ay u noqota mid saliim ah oo shirkadda mushkilad u keeneynin.
Balse Shana Lebowitz waxaa ay madaxda u sheegeysaa in haddii shaqaalahooda ay ku arkaan toban kan qodob ee soo socda in sida uga dhaqsiyaha badan ay shaqada uga saaraan.
- Awood u malaha qabashada shaqada
Haddii aad aragto in qofka uusan awood u laheyn in uu qabto shaqada oo aanu xirfadda ama aqoontu laheyn haka xishoonin in aad ceyriso waa haddii aad shirkaddaada hormar la dooneyso. Shaqada waxaa asal u ah in uu qabto qof qaban kara.
Shaqaalahaas oo kale waxey shirkadda ka dhigtaa mid aan horay u socon oo 10 sano ku qaadato in ay gaarto meel ay qorsheyneysay in ay 1 sano ku gaarto.
2. Waxuu jebiyaa shuruucda shirkadda
Shaqaalaha jebiya shuruucda iyo nidaamka shirkadda weliba kuwa qoran ee uu hadane caado ka dhigta arrintaas waxaa uu mudan yahay in waqti xaadirkan aad go’aan ka qaadato oo hadda diyaariso warqadda shaqo ka ceyrinta.
3. Laguma kalsoonaan karo
Haddii uu jiro mid aadan ku kalsoonaan karin oo haddii shaqo loo dhiibo aad ogtahay in uu soo daahinayo ama waqtigii loo qabtay uu kasoo did dhaco isaga u diyaari warqaddiisa shaqo ka ceyrinta, sababtoo ah shirkaddaada waxey u qalantaa in qof walba oo shaqaalahaaga kamid ah uu kasoo bixi karo wixii loo dhiibo oo howl ah aadna ogtahay in uu ku matali karo.
4. Waxuu luqaafeeyaa maamulka
Midka ka shaqeeya in uu fashiliyo maamul walba oo la hoos geeyo. Waxuu jecelyahay in uu abaabulo shaqaalaha oo iska horkeeno maamulka iyo shaqaalaha. Waxaa laga yaabaa qofkaas in uu doonayo inuu isaga madax ka noqdo shirkadda. Qofkaas waxaa uu mudan yahay in sida u dhaqsiyaha badan loo ceyriyo.
5. Waa maqnaasho badan yahay
Uma baahno faahfaahin badan uma baahno, waana qofka ugu mudan in loo ceyriyo sida ugu dhaqsiha badan.
6. Waa shaqaale muran badan
Waxuu jecelyahay in uu mar walba doodaha ku guuleysto. Haddii shaqo laga rabay uu qaban waayo maamulka iyo dadka la shaqeeyo ayuu eedda dusha uga ridaa ama waxuu la yimaadaa qiil aan dhab aheyn isagoo ku andacoonayo in ay tahay in isaga uu yahay midkii loo garaabi lahaa.
7. Waa dib u socod
Haddii dhammaan shaqaalaha midba loo xil saaro in uu shaqo soo qabto si arrin muhiim ah si wada jir ah loogu guuleysto midkan waa uu iska seexdaa markii waqtigii ballanta la gaarana waxuu yimaadaa isagoo aan waxba qaban. Waa midka cuuriyaamiya shirkadda.
Qorsheyaal badan oo ay shirkadda hiigsaneyso in ay qabato ayuu mar walba dib u dhigaa. Astaamaha ugu weyn ee lagu garanayana waa mid caajis badan oo aan fir fircooneyn, shaqa walboo loo dhiibana “haye” dhaha balse aan qaban. Qofkaas waxuu kamid yahay qofka ay tahay in aad sida uga dhaqsaha badan aad u ceyriso.
8. Waa mid howl diid ah
Shana Lebowitz waxey ku tilmaamtay midkan mid jecel in uu qabowga mukeyfka ku dhex jiro, marka shaqo loo dirana 500 oo cudur-daar la yimaada, mararka qaarna marka shaqo loo diri raba madaxa ayaa xanuuna oo waaba jiran yahay!
Haddii saaxibadiis ay dhahaan meel heblaayo ma aadnaa oo wax shaqo ah maleedahay “maya” ayuu yiraahdaa, marka howl loo dirana waaba qofka shirkadda ugu mashquulka badan. Barahiisa bulshadana sida Facebook ama WhatsApp-na “1 minute ago” ama “Online/Active” ayaa uga qoran. Qofkaas oo kale waa in aad warqaddiisa u diyaarisaa ayey leedahay Mr. Lebowitz, waxeyna leedahay mushaarka shaqaalaha ma aha “ceyr” ee waa wax loo dhidido.
9. Waa xan badane
Midkan shaqaalaha ayuu waxuu u yahay Wasiirka Warfaafinta Shirkadda. Waxuu ka sheekeeyaa siraha iyo xogaha qarsoon ee shaqaalaha kale duwan mid ayuu xog ka qaadaa mid kale ayuu u geeyaa.
Waxuu ka hordhacaa go’aamada maamulka inta aysan xafiiska kasoo bixin, waxuu buunbuuniyaa qaladaadka iyo gafafka dad kale. Haddii ay wax soo kordhaan isagaa laga war doonaa. Waxaa habboon in shaqaalaha laga dhex saaro qofkaas oo shrikadda laga ceyriyo sida ugu dagdagga badan.
10. Qaladkiisa ma qirto
Qofkan waa qof mar walba saxan. Haddii uu wax qaldo ma qaato qaladkiisa oo waxuu aaminsanyahay in uu saxan yahay. Waxuu isu arkaa in uu ka xirfad iyo aqoon badan yahay maamulka iyo dadka kormeera shaqadiisa. Qofka waxaa wanaagsan inuu qaladkiisa garto sida loo saxana uu dadka aqoonta u leh uu ka barto. Qaladaadkana ceeb ma aha ee waxaa ceeb ah in qofka uu wax-ka-baran waayo.
Comments
Post a Comment