Sidee loo abuura ganacsi guuleysan kara ?
Waxaa halkaan idinkugu soo gudbin doonaa barnaamijyo taxane ah oo ay kamid ahaan doonaan:
- Side loo abuuraa ganacsi
- Side loo kobciyaa ganacsi
- Maxaa keenaa in ganacsi guulasyto
- Maxaa keena in ganacsi uu guul daraysto
- Shirkadaha guulaystay ee dunnida iyo sababaha ay ku guulaysteen
- Shirkaddaha guul-daraystay ee adduunka iyo sababaha ay ku guul-daraysteen
- Side lagu noqon karaa maamul ganacsade fiican
- Waxaanu samayn doonaa dhawr shirkaddood oo tusaale aanu usoo qaadan doono, si dadku u fahmaan waxaanu ka hadlayno.
- Intaas iyo in kaban waxaad kala socon doontaan insha Allah cumarrooti.blogspot.com
SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a business):
Marka hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay ganacsi?
Waxaa jiri kara qeexido badan waxaan se kusoo gaabsanaynaa ganacsi waa gedis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba qof iyo wax kabadan.
Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa aynu halkan ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta ganacisgu (business plan):
I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning):
Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketing strategy), saadaasha iibka (sales forecast), nidaamka shaqada iyo shaqaalaha ( management and organisation), Loollanka shirkaddaha kale (competition), meesha lagu qabanaayo shaqada (location), nidaaminta maaliyaddeed (financial plan).
Hada waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa mid mid waxyaalaha aynu kor kusoo xusnay:
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay (Table of Contents)
II. Soo koobid shaqada (Executive Summary)
III. Qeexid guud ee shirkadda (General Company Description)
IV. Badeecadda iyo adeegyada (Products and Services)
V. Nidaamka suuq-geynta(Marketing Plan)
VI. Qorshaha shaqo-fulinta (Operational Plan)
VII. Maaraynta maamulka iyo habayntiisa (Management and Organization)
VIII. Cadayn maaliyadda gaarka loo leeyahay (Personal Financial Statement)
IX. Kharashka bilowga iyo Raasamaalka (Startup Expenses and Capitalization)
X. Nidaamka maaliyadeed (Financial Plan)
II. Executive summary (shaqada shirkadda oo kooban):
Executive summary: waa qaybta ugu horaysa ee lagu qoraayo qorshaha shirkadda (business plan) taaso oo macnaheedu yahay in aad si kooban u sharaxdo waxa aad qabanyso waxa uu yahay, cida macmiisha kuu noqonaysa, cidda leh shirkadda, nooca ganacsiga aad samaynayso iyo dhamaan mustaqbalka shirkadda.
Cumar xuseen max'ed" Cumar rooti"
Comments
Post a Comment