Soomaaliya Waa Dalka 2’aad Ee Ugu Kobaca Badan Afrika Dhanka Isticmaalka Internet-ka

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Internet World Stats (2017) dalkeenna Soomaaliya waxuu noqday wadanka labaad ee ugu kobaca badan dhanka isticmaalka internet-ka.
Dalalka Congo (DRC), Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa noqday dalalka ugu horreeyo marka la fiiriyo kobaca dadka isticmaalaya internet-ka ee Afrika ku sugan inta u dhexeysa 2000-2017.
Kobaca isticmaalka internetka ee dadka reer D.R. Congo waxuu kordhay 620,142%, halka kobaca isticmaalka dadka Soomaaliyeedna uu yahay 329,200%. Kan dadweynaha Ethiopiana uu noqday 115,280%.
Internet World Stats oo aruuriso xogaha ku saabsan dadka isticmaala internet-ka ee dadyohowga dalalka kala duwan ayaa muujisay in 94.2% kamid bulshada Soomaaliyeed aysan isticmaalin internet-ka, taas oo macneedu yahay in 5.8% kaliya ay isticmaalaan internet-ka.
Waxaa kale oo intaasi sii dheer dadka Soomaaliya ee internet-ka isticmaalayay sanadkii 2000 tiradoodu waxaa ay ahaayeen 200 oo qof kaliya, halka sanadkan 2017 lagu qiyaasay 660,000. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee internetka isticmaal ay wada isticmaalaan Facebook, waa sida Internet World Stats ay qabto.
Xigasho goob joog business 
Cumar xuseen max'ed" cumar rooti "

Comments