Ronaldo waa hogaamiyaha real madrid iyo Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Real Madrid Xalayto Xasuuqday Kooxda APOEL "
Real Madrid ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka ee Champions League ka dib markii ay 6-0 ku xasuuqeen kooxda APOEL oo marti loogu ahaa Qubrus, iyadoo Karim Bezema iyo Cristiano Ronaldo ay min labo gool dhaliyeen halka Luka Modric iyo Nacho ay iyagana shabaqa soo taabteen. Waana guushii ugu weyneyd ee ay Real Madrid ku soo gaarto garoon ay marti ku tahay koobka Champions League.
1. Taariikhda Real Ee Champions League oo weli socota
Qaab ciyaareed liita, dhaawacyo badan, qilaaf laga dhex sheegay qolka labiska, weeraryahano abaar goolal ay heyso intaas oo dhan waa ay isagu kulmeen Real Madrid xilli ciyaareedkan, sidaasi oo ay tahay waxa ay xaqiijisteen in sannadka cusub ay ka soo muuqanayaan wareega 16ka ee Champions League.
Madrid waxa xilli ciyaareedkii 21aad ee isku xigta ka soo muuqanayaa wareega 16ka ee Champions League waana rikoor soo jiitamayay tan iyo xilli ciyaareedkii 1996-97 markaasoo ay xitaa ku guuldareysteen inay u soo baxaan Yurub.
Barcelona ayaa xilli hore 10 dhibcood uga heysa hogaanka La Liga laakiin Madrid ayaa waji libaax la imaaneysa Champions League.
Xilli ciyaareedkii hore waxa ay isku qaadeen La Liga iyo Champions League waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ee ay sidaas sameeyaan muddo 59 sannadood ah, iyadoo Real Madrid ay caado ka dhigatay in guulaheeda Yurub ay ku daboosho sida ay uga gaabiyaan mararka qaar tartamada maxaliga ah.
2. Benzema oo ka baxay abaartii haleeshay
Xitaa Benzema taageerihiisa ugu weyn Zidane ayaa qirtay in ninka reer France uu u baahan yahay inuu sarre u qaado ciyaartiisa ka dib markii uu hal gool kaliya dhaliyay 10 kulan uu saftay.
Marka laga hadlayo koobka Champions League, mudadii uu Benzema sugayay inuu gooldhaliyo ayaa ah mid ka sii dheer isagoo ay ugu danbeysay gool uu ka dhaliyay Napoli 279 maalmood ka hor.
Si kastaba, xiddiga reer France ayaa labadii gool ee uu xalayto Champions League ka dhaliyay waxa uu ku sameeyay taariikh, waxaana uu ka sarre maray ninka ay isku wadanka yihiin Thierry Henry isagoo noqday xiddigii shanaad ee abid ugu goolasha badnaa taariikhda Champions League isagoo haatan leh 53 gool.
3. Ronaldo waa Mr Champions League
Abaarta goolasha ee Ronaldo ka heysa horyaalka La Liga isagoo dhaliyay kaliya hal gool sideed kulan uu saftay xilli ciyaareedkan ayaa keentay in su’aalo la iska weydiiyo haddii 32 jirkaan uu sii wadi karo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee looga bartay.
Cadeyntii laga arkay qaab ciyaareedkiisa Champions League ayaana jawaabta ka dhigeysa inay haa tahay.
Xiddiga Sannadka Adduunka ayaa haatan sideed gool dhaliyay shan kulan uu saftay Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu shabaqa soo taabtay kulan walba oo ay Madrid ciyaartay Group H.
4. Zidane oo bandhigay isbedel dhanka taatikada ah
Ka dib markii uu xilli ciyaareedka ku bilowday si liidata ka did guulihii uu kooxda ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii hore, su;aalo ayaa la iska weydiiyay haddii taatikada tababare ee Zidane ay la mid tahay sida uu hanad u ahaa markii uu garoomada ku jiray.
Inkastoo ay la ciyaarayeen koox iska liidata oo APOEL la yiraahdo hadana waxa uu Zidane bedelay shax ciyaareedkiisa isagoo ku soo shirtagay 4-4-2, waxaana uu Lucas Vazquez iyo Marco Asensio u isticmaalay garbaha taasoo Real Madrid siisay inay garbaha ka duulaan, waxaana ay ku heleen qaab ciyaareed aad u sareeya marka loo eego khadkii dhexe ee dheymanka ee ay ku ciyaarayeen isbuucyadii u danbeysay.
cumarrooti.blogspot.com
Comments
Post a Comment