Oraahyada caan baxay ee Roberto Mugabe
Madaxweynaha Xabsi guriga ku jira ee Dalka Zimbabwe ayaa laga diiwaan geliyay xikmado iyo Oraah kala duwan intii uu hayay xilka Madaxweynenimo ee dalkiisa.
haddaba maxaa ka mid ah Oraahyada laga qoray Mugabe?.
Siyaasadda Zimbabwe iyo Afrika wixii uu ka yiri.
“nala jira annaga, fadlan baaqi ku ahaada Dalkeenna ,kana dhiga dal midnimo,waxaan u baaqayaa bulshada caddaanka ah ee Zimbabawe in ay soo galaan Xisbiga Zanu-PF”. 1980kii.
“Alle ayaa I magacaabay,isaga ayaana iga qaadi kara xilka Madaxweynenimo,igama qaadi karaan MDC( Xisbiga Mucaaridka ah) ama Ingiriiska”, isu soo bixii doorashadii 2008ddii.
“Xisbigeennu waa inuu sii wadaa cabsi gelinta Ninka Cad,waa cadaowgeenna”,banaanbixii Zanu-PF 2002dii.
Dadka isku jinsiga ah ee isku taga
“aan is weydiinno ninka nin u tagaya ,ma waxaa iska dhalay labo Nin?,aan sii wadno halkankeenna,nolosha dumarka, ma rabno John iyo John ama Maria iyo Maria,waxaa ay ka liitaan Eeyaha”, wareysi uu 2015kii siiyay ZDC.
“waxaan wadajir u diidnay,waxa loogu yeerayo xuquuqda cusub,ma dooneyno wax dhaawacaya dhaqankeenna,qiimaheenna iyo waxa aan aaminsannahay”,shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 2015.
Oraayadiisa dowladda Ingiriiska la xiriira
“Ingriiska aad ayuu u qabowyahay,laguma noolaan karo,guryo gaagaaban ayey leeyihiin”,2013kii.
“wali waxaan feer is weydaarsaneynaa Dowladda Ingiriiska,waxaa ay adeegsanayaan Rag Gaangiistarro ah, London ayey dhex socdaan waqti kasta”, October 1999,mar uu London booqday oo ay dadka xuquuqul insaanka u dooda dalbadeen in la xiro.
“waxaan u dagaallannay dhulkeenna,waxaan u dagaallanay madaxbanaanideenna,waxaan daadinnay dhiiggeenna annaga oo yar,waana guuleysannay ,sidaas darted Tony Blair ilaasho England anna ii daa Zimbabwe”, shirkii Dhulka ee Koofur Afrika 2002dii.
Hitler
“Aniga ayaa ah Hitler-ka waqtigan, Hitler-kan waxaa uu leeyahay hal hadaf oo ah caddaaladda dadkiisa, aqoonsiga madaxbanaanida iyo xuquuqda dadkiisa iyo kheyraadkooda, haddii sidaas Hitler-nimo tahay,haddaba aniga weye Hitler 10 jeer ka sarreeya kii hore”, shirkii Golaha wasiirrada ee 2003dii.
Dhaqaalaha
“dhaqaalaheennu waxaa uu boqolaal jeer ka wanaagsan yahay midka Afrika marka laga reebo Koofur Afrika, dalkee sidaas u wanaagsan oo aan Zimbabwe ahayn?,maxaa naga hortaagan in badeecadaheenna ay ka buuxaan qaanadaheenna,wey dhamaatay”, Wareysi uu bixiyay 2007dii.
Kirishtaannimada
“marar badan ayaan dhintay, Ciise masixii ayaa I jir dilayay,haddana waa soo noolaanayay” TV-ga dowladda dhalashadiisii 88aad.
cricket-ka
“Cricket-ku waa ilbaxnimada dadka,waxaa uu sameeyaa Akhyaarnimo, waxaan rabaa in qofkasta oo dalkan u dhashay uu ciyaaro, waxaan doonayaa inaan noqonno dalka dadka wanaagsan”, lama hayo taariikhda uu hadalkan yiri.
Mugabe iyo Madaxweynayaasha soo maray Mareykanka
“Mr Bush, waa in uu dib u aqriyaa taariikhda, waliba si saxan, hakla garto shaqsiyadda iyo tayadiisa wakiilnimada,isaga oo hadda ah Madaxweynaha Mareykanka,waxaa uu u taaganyahay ilbaxnimada Mareykanka,kaas oo qabsaday,Gumeystay,dilay, sidoo kalena ciribtiray,markaas waxaa uu nabarayaa markasta ku dhawaaqidda xeerarka xuquuqda aadanaha,gacmihiisa waxaa ka da’aya dhiigga waddaniyiinta”Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 2007dii.
“waxaan hadda soo gaba gabeeyay u ololeynta ka hortagga isu galmoodka isku jinsiga,kaddib markii uu Madaxweyne noqday Obama, haddiiba Obama oggolaaday in laba isku jinsi ah isku tagaan,hadda ayaan u safrayaa Washington,si aan gacanta uga qabsado Obama:, wareysi uu siiyay ZDC Radio,2015kii.
“kuwo naga mid ah waa la bahdilay, waa la cabsi geliyay,waxaana lagu cabsi geliyay wax u ek soo noqoshada Giriigga Kitaabiga ah,,miyaan u dul qaadaneynaa soo noqoshada arrintaas iyada oo ka imaneysa Waddamo kale?”, Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 2017.
“waxaan leeyahay Madaxweynaha Mareykanka Trump, yeeri Buunkaaga, kuna yeeri waddo midnimo, wada shaqeyn, qiimeyn, wadajir iyo wadahadal,taas oo aan mar walba u taagannahay”. Shirkii Golaha guud ee Qaramada Midoobey 2017.
Xaaskiisa xilka ka beddeli lahayd
“in Xaaskaagu ku beddesho waa dhaxaltooyo, waxaana laga helaa Xisbiyada dimuqraadiga ah, ma dooneysaan hoggaaamiyayaal ay magacaabeen dadka”,Wareysi TV,2016kii.
Waxaa isku so arooriyay cumar rooti "
Comments
Post a Comment