Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa u muuqda in ay heysato laba daran mid dooro, kadib markii Galmudug ay cabasho xoogan ka keentay rag ay ku sheegtay qaswadayaal oo ku soo qulqulaya Magaalada Cadaado, kana wada olole ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo (Xaaf).
Xaaf ayaa u muuqda in hal lug ay u taalo Muqdisho, halka lugta kalena uu kula jiro Cadaado, taasi oo aan kala jeedno in marka Muqdisho uu yimaado uusan fileyn in soo dhaweyn uu kala kulmo Dowladda iyo in marka uu Cadaado ka soo tago uu ka cabsi qabo in Doorasho la qabto sidaasina meesha looga saaro.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada qaar ee ka tirsan maamulka oo aan u rooneyn Xaaf, maadaama ay xurguf ka dhaxeyso, lagana yaabo marka uu Hoggaamiyaha Galmudug yimaado Muqdisho in ay qabtaan Doorasho Madaxweyne.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Risaala u sheegay in Madaxweyne (Xaaf) uu Cadaado ka wado kulamo uu kula tashanayo xubnaha isaga u dhow, waxayna ka wada hadlayaan waxa laga yeelayo arrinta ku aadan shirka Muqdisho.
War-saxaafadeed Galmudug ka soo baxay maalin ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS waxay kaga codsatay in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay uga soo qeyb galaan shirka Muqdisho.
Comments
Post a Comment