Qaraxii Zoobe " Nin tacsi loo dhigaaye oo Xalay Gurigiisi Yimid AKHRISO.

Nin lagu magacaabo C/qaadi Saacis Cali kana mid ahaa dadka ku nool degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa ehelkiisa waxay ku tiriyeen inuu dhintey, kadib qaraxii Zoobe.
Markii ehelkiisa ugu dambeysay wuxuu C/qaadir ku sugnaa sida la sheegay nawaaxiga Zoobe, maalmo badan oo ay raadiyeen kadib waxay heleen meydka shaqsi isaga u muuqaal eg balse gubtay, wey aaseen oo wiilkooda ayeey u haysteen.
Balse habeenkii xalay ahaa ayuu isaga oo socdo yimid guriga xilli qaraabadiisa oo dhan isku yimaadeen ayna sameynayeen tacsidiisa.
Dadka ayaa amakaag ku noqotay arrintan, waayo qof walbo wuxuu moodayey in C/qaadir la aasay, mar kalena aan dunidan lagu arkeyn.
Markii uu imaanayey waxaa la socday Labo wiil oo dhallinyaro ah, waxaana ay sheegeen iney ka keeneen deegaanka Jaziira, isaga oo halkaasi carar ku tagay, balse markii uu halkaasi gaarey waa uu miir daboolmay, maalmana waa la baxnaaninayey, waxaana mudadaasi ka muuqday shoog aad u daran.
Hadda waa uu wanaagsan yahay, shoogii waa uu ka baxay, isaga ayaana dadkaan keenay gurigiisa, tacsidii loo dhigayey culimadii joogtayna isaga ayeey qur’aan saaree.

Waxaa qoray cumar rooti "
                  

Comments