Madaxweyne farmaajo oo gaaray Ethiopia "

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyeho,Safiiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulan kooban kula qaatay qeybta VIB-da ee Garoonka Bole Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyagoo la hadlay saxaafada.
Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa labaad ee Itoobiya ku yimid ay qeyb tahay sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda Itoobiya, isla markaana ay muhiim in loo midoobo cadawga, kaddib qaraxii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho.
“Khatartan ma ahan kaliya mid Soomaaliya ku wajahan, xataa dalalka deriska ayay ku tahay, waana sababta aan halkan u imid oo aan u raadinayo taageero iyo garab istaag walaalaheena Itoobiya”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Wariyeyaasha la hadlayay markii uu ka degay Garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Safarka Madaxweynaha ku marayo dalalka deriska ee Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa la xiriirta, sidii uu taageero milateri uga heli lahaa dagaal ay dowladdiisa qorsheyneyso inay ku qaado Al-Shabaab, waxaana uu xalay ku hoyday magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxweyne Yoweri Museveni.
                 Xigasho Jowhar.com

cumar xusein max'ed cumar rooti 
                      
                   

Comments