Goobaha Ganacsi ee Magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo, Jowhar & Muqdisho oo Maanta Xeran

Goobaha ganacsi iyo isu-socodka gaadiidka ayaa xeran qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka dalka iyadoona ay magaalooyinkaasi ay maanta ka dhacayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo sidoo kalena lagu cambaareynayo weerarkii Soobe ee Sabtidii lasoo dhaafay.
Iskuulada, Jaamacadaha iyo suuqyada magaalooyinka Jowhar, Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne ayaa xeran iyadoo dad weynaha ay isku diyaarinayaan banaanbaxyo baaxad weyn oo shacabka magaalooyinkaasi ay ku muujinayaan sida ay ugu xunyihiin qaraxii lagu laayay dad ka badan 280.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maalinnimadii shalay aheyd iclaamiyay mudaaharaad baroor diiq ah oo dhacaya maanta oo dadka reer Muqdisho ay isugu soo baxayaan.
Sidoo kale maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa iyagana soo abaabulay mudaaharaad shacabka reer Jowhar ay u dhanyihiin oo waqti xaadirkan uu abaabulkiisa uu meel gabogabo ah marayo.
Wararka sheegay in ganacsiga iyo isusocodka dadka iyo gaadiidkaba ay xiranyihiin.
Sidaa si lamid ah ayaa la filayaa in saacadaha nasoo aadan  in magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu ka dhaco banaanbax loogu baroor diiqayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Goobaha ganacsi iyo waxbarasho ee magaaladaas ayaa xiran sida aan wararka ku heleyno iyadoo dadweyne fara badan oo qiireysan ay isugu imaanayaan fagaarooyinka magaaladaasi Baydhabo.
Shacabka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale maalinimadii shalay aheyd dhigay banaan baxyadii ugu weynaa ee magaaladaas ka dhaca, waxaana jidadka magaalada Kismaayo buux dhaafiyay ardayda dugsiyada, iskuulada iyo jaamacadaha magaaladaas iyagoona shucuurtooda muujiyay sida ay ugu xunyihiin musiibadii  ka dhacday Muqdisho

Gabdhahaan ayaa qeyb ka naqday dadkii ku halaagsamay 14 October iskooska zoobe ee magaalada muqdisho "

Wixii talo ah halkaan iigu reeb 

E-mail cumar789789@gmail.com

Comments