Warqadda afka qalaad loogu yeero CV ama ‘CURRICULUM VITAE’ waa warqad uu qofka shaqo-doonka ah uu ku caddeenayo taariikhdiisa
dhinaca waxbarashada iyo waayo-aragnimadiisa shaqo si uu ugu lifaaqo arjiga codsiga shaqada.
Waa warqadda ay ku qorantahay dhammaan faahfaahinta ku saabsan nafsadaada sida waxbarashada heerka aad ka gaartay, qibradaha shaqo ee aad leedahay, tababaro iyo siminaarada aad soo qaadatay iyo xirfadaha aad wadato.
Waa Decoument muhiim u ah qiimaynta qof kasta oo shaqaale ah, sidaa awgeed ruux kasta oo shaqo-doon ahi waxa ugu weyn ee uu xilliga codsiga shaqada ka fakaro waa sidii uu warqaddan CV ga ah uga dhigi lahaa mid soo jiidasha leh.
Laakiin arinta culeeska leh ayaa waxa ay tahay in mararka qaarkood uu qofku warqaddan ku qoro khaladaad ay suurtogal tahayba in ay shaqada ka hor istaagaan.
Waxaa dhacda in dhalinyaro badan oo shaqadoon ah ay hareer maraan qaabka saxda ah ee la doonayo in uu noqdo CVga wanaagsan midaa oo inta badan suurtagalisa in qofku uu shaqada waayo. Hadaba CVga wanaagsan muxuu ka kooban yahay?.
Qodobada ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahay CVga waxaa ka mid ah:
1. Personal Data
Qeybtaan waa in aad si fiican ugu qeexdo faahfaahinta aas-aasiga ah sida magacaaga, Dhalashadaada, Teleefoonkaaga, Luuqadaha aad ku hadasho, ciwaanka emailkaaga
ciwaanka deegaanka aad degantahay oo lagaala soo xariiri karo, shaqooyinka qaar ayaa u baahan faahfaahin dheeri ah sida marxaladda guurkaaga lab ama dhadig midka aad tahay.
2. Profile
Qeybtaan waxa aad ku qeexaysaa adiga cidda aad tahay (shaqsiyadaada) sida aqoon ahaan iyo dabeecad ahaan adigoo soo koobaayo qoraalkaada, waana in ay noqotaa hal garagraph oo ay ku kooban tahay ka hadalka qofka aad tahay, xirfaddaada iyo halka aad hiigsanayso.
3. Career Objective
Qeybtaan waxaa lagaaga baahantahay marka hore in aad soo hesho xog la xiriirta shaqada
sida ugu wanaagsan ee aad ku hanan karto shaqadaas. Waxaana lagaaga baahanyahay inaad naftaada si fiican u suuqgeyn karto. Xogta la xirirta shaqada
waxyaabaha ay u baahan tahay waxa aad ka raadin kartaa websiteka shirkada aad shaqada ka raadinayso ama goobta lagusoo bandhigay shaqada si Idaacad ama Wargeys halkaasna aad ka ogaato
shaqsiyadda ay shaqada uga baahan yihin sida howlkarnimada iyo xirfadaha. Inta badan CVyada casriga ah waxa ay qaybtan ku daraan qaybka kore ee profileka balse hadii la kala qaadana wax dhib ah ma leh.
Halkaa Ayaan ku hakinaynaa qaybta koowaad ee aan kaga hadlaynay CV iyo sida loo diyaariyo. La socod wanaagsan qaybaha haray.
Wixii Talo ah halkaan igala so xariir "
Cumar789789@hotmail.com
Comments
Post a Comment