23 sano kadib maxaad ka xasuusataa filim ka Aatish " Filimka Aatish waxaa kasoo waregatay 23 sano daawashadiisa filimkan Action-ka ah sidoo kalena qiirada badan Aatish: Feel the Fire.
Filimka Aatish waxaa kasoo waregatay 23 sano daawashadaisa filimkan Action-ka ah sidoo kalena qiirada badan Aatish: Feel the Fire.
Aatish: Feel the Fire waxaa la daawaday 17 June 1994 waana filim guuleestay oo Average noqday sidoo kalena xiligiisii siweyn looga helay fariintiisa iyo qaab jiliinka dhamaan jilaayaashii kasoo muuqdeen.
Aatish: Feel the Fire wuxuu noqon lahaa Super Hit weyn laakiin lacagaha 4 Crore ee sanadii 1994 lagu sameeyay iyo lacagihii qaaliga ah ee lagu siiyay kooxda cajaladaha qeybiyan ayaa keentay inuu Average noqdo madaama uu Boxoffice-ka ka keenay 6.42 Crore.
Jilaayaasha filimka Aatish: Feel the Fire: Sanjay Dutt, Aditya Pancholi, Raveena Tandon, Karishma Kapoor, Atul Agnihotri, Shakti Kapoor, Gulshan Grover, Kader Khan, Ajit iyo Tanuja.
Director: Sanjay Gupta
Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyin filimka Aatish: Feel the Fire u gaar ah adigaaba ka heli doontid:
Xaqiiqada 1-aad: Aatish waa filimkii ugu horeeyay ee Director Sanjay Gupta sameeyay sidoo kalena wixii markas ka dambeeyay cilaaqaad wanaagsan oo dhanka shaqada ah wuxuu la sameestay Sanjay Dutt iyo Aditya Pancholi.
Xaqiiqada 2-aad: Sanjay Dutt iyo Aditya Pancholi waxay kusoo bandhigeen saaxiibtinimada ugu wanaagsan ee labo atoore filim ku muujiyaan, sidoo kalena nolosha caadiga ah ama rasmiga waa saaxiibo dhab ah.
Xaqiiqada 3-aad: Muuqaalka caanka ah ee Gulshan Grover lugta ka jaraayo Aditya Pancholi waxaa lagu duubay masaajidka caanka ah Hajiali Mosque ee ku yaalo magaalada Mumbai.
Xaqiiqada 4-aad: Sanjay Dutt filimka Aatish wuxuu ku duubayay dalka Mauritius marka ay soo baxday kiiska dacwada inuu ku lug lahaa qaraxyadii Mumbai ka dhaceen sanadii 1993, markii uu soo laabtay Airport-ka Mumbai gudihiisa ayaa lagu xiray kadibna booliska ayaa saldhiga gayeen oo su’aalo ku aadan kiiskan weydiiyeen.
Xaqiiqada 5-aad: Labadii atirisho ee xifaaltanka ka dhaxeen jiray Raveena Tandon iyo Karishma Kapoor waxay u ahayd Aatish markii ugu horeesay oo ay filim isla sameeyeen isla sanadkaas 1994 waxay kasoo wada muuqdeen hadana filimkii shactirada badnaa Andaz Apna Apna.
Xaqiiqada 6-aad: Filimka Aatish: Feel the Fire waxaa lagu duubay magaalooyinka Mauritius and Bombay intiisa badan.
Xaqiiqada 7-aad: Qarash gareeye GP Sippy wuxuu Shah Rukh Khan u bandhigay kala doorashada doorarka Aditya Pancholi iyo Atul Agnihotri jileen, balse SRK dalabka qarash gareeye GP Sippy wuu ku gacan seeray wuxuuna u sheegay inuusan filim atoorayaal badan ku jiraan rabin sameyntiisa wuxuuna ka doortay Aatish sameynta filimka Raju Ban Gaya Gentleman.
qiiqada 8-aad: Karishma Kapoor ma ahayn dooqa kowaad Aatish waxayna booska ka badashay Pooja Bhatt oo filimkaan isaga baxday.
Xaqiiqada 9-aad: Atul Agnihotri filimkiisii ugu horeeyay ee uu sameeyay ama kasoo muuqday waa Aatish.
Xaqiiqada 10-aad: Filimka Aatish markii kowaad oo sheekadiisa la qoray waxaa la rabay inay sameeyaan Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty, kadib filimkaan waxaa kusoo biireen oo dhanka maal galinta la wareegeen GP Sippy iyo Vijay Sippy waxayna rabeen gabadha heesaaga ah Vibha Dutta inay Aatish kusoo caan bixiyaan oo ay Suniel Shetty la jisho.
Laakiin Director Sanjay Gupta ayaa u sheegay qarash gareeyayaasha reer Sippy in doorka Suniel Shetty atirisho jaceyl la jileen sidaas ayayna Vibha Dutta filimkan ku weesay.
Sidaa darteed Suniel Shetty isagana wuu isaga baxay Aatish markii uu ogaaday inuusan atirisho jaceyl kula wadaageen waxaana booskiisa lagu badalay Aditya Pancholi.
Xaqiiqada 11-aad: Saif Ali Khan ayaa lala rabay inuu markii hore sameeyo doorka Atul Agnihotri laakiin waxay isku dhaceen qarash gareeye GP Sippy sidaas ayuu Aatish ku waayay Saif.
Xaqiiqada 12-aad: Aatishi wuxuu isku diray labadii saaxiibada ahaa Director Sanjay Gupta iyo Salman Khan, waayo Sanjay Gupta inta uusan Bollywood-ka saldhiganin guriga Salman Khan ayuu ku noolaan jiray balankana wuxuu ahaa filimkiisa kowaad inuu Salman atoore kowaad kaga dhigo.
WARAR DHEERAAD AH:
Laakiin Aatish markii lagu dhawaaqay Sanjay Dutt atoore kowaad looga dhigay taasina Salman Khan niyad jab ayuu ka qaaday.
Sababta Sanjay Gupta uu Salman Khan hogaamiye kaga dhigi waayay filimka Aatish waxay tahay in qarash gareeyayaasha filimkaan reer Gippy isku dhacsanaayeen Salman Khan iyo qoyskiisa waxayna isku dhaceen markii Salman Khan u sameeyay filimkii Patthar Ke Phool.
Sidoo kale Sanjay Gupta wuxuu meel fagaaro ah ka sheegay inuu Sanjay Dutt daacayad u yahay atoore kalena waligiis ku fikirin inuu Aatish u dhiibo.
Hadalkaas Salman Khan ayaa ka carooday oo Gupta ku tilmaamay qayaanoole aan marnaba la aamini karin mar dambena uusan soo dhaweesan doonin!
Salman Khan sanado badan ayuu ka careesnaa Sanjay Gupta balse markii dambe dib ayay u heshiiyeen inkastoo wax wada shaqeyn ah dhex marin.
Xaqiiqada 13-aad: Aatish sheekadiisa si aan rasmi ahayn waxaa looga soo xigtay filimka Hong Hong ah ee uu sameeyay Director-ka caanka ah John Woo waana filimka lagu magacaabo A Better Tomorrow (1986)
Dhamaad,
Halkaan igala so Xariir Cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment