Yaasmiin:
Walaahi waan cabsanayaa Fartuun ma la hadashay iyada
Falis:
Haa fiimka waan ka dhaadhiciyey waana ila fahmtay ee adiga cabsida iska saar
Yaasmiin:
Armaan na lagu fahmaa
Falis:
Cidna nama fahmeyso ee adiga xilli hore is diyaari hooyana aniga ayaa ku leh Fartuun ayaan aadeynaa oo xanuunsan
Yaasmiin iyada oo leh ILAAHAYOW CEEBTEENA ASTUR ayay sii baxday oo maalintaa howsha guriga ay lahayd ayay ku dhaqaaqaday
Wax walba sidii la rabay ayay u socdeen Hooyo Maryan waa ay ka ogolaaday hablaheeda in ay Fartuun oo walaasheed dhashay isla markaana dhowr bilood ka hor la guursaday ay aadeen maadaama loo sheegay in ay xanuunsan tahay wallow iyada laf ahaanteeda ay hore u maqashay in ay uur leedahay oo walac la xanuunsaneyso Falis waxaad mooday in ay wax walba u hagaagayaan markii salaadii Maqrib ay guriga Fartuun ku tukaday ayaa waxaa u yimid Yaasiin oo baabuur wada markii uu telka ka soo wacay ayay walaasheed Yaasmiin ku tiri.
Falis:
Yaassiin waa uu yimid ee Teelka ma qaadanayo ee hoo adiga haay
Yaasmiin:
Ilama wanaagsana in aad ka tagto wax kasta ayaa dhici kara qaado
Falis:
Haye cabsida iska saar xilli hore ayaan soo laabanaa
Yaasmiin:
Haye ee is ogow adiga
Falis markii ay Yaasmiin sidaa tiri ayay inta ay dib u laabatay labada dhaban ka dhunkaday ayay tiri
Falis:
Waxaad ka cabsado ma jirto macaanto Yaasiin waa wiil fiican mana I xumeynayo
Yaasmiin:
Sida aad daacad ugu tahay illaahay isagana ha ka yeelo
Falis iyada oo sii qosleysa ayay baxday oo halkii ka raacday baabuur uu Yaasiin waday waxaa baabuurka lagu sii baray saaxiibkiis Nuuradiin iyo lamaantiisa oo iyada cashada lagu casuumay markiiba waxaa afka la saaray halkii xeebta Liido oo habeenkaas ay ka shidneyd oo loo doortay in ay tahay meesha loogu soo gundhigi doono xiriirka curdan ah ee Yaasiin iyo Falis.
Markii la yimid meeshii loo socday ayaa durbadiiba qeybta sare ee Baarka loo gudbay waana halka miiskooda uu ka carbuunsanaa markii la fadhiistay ayaa la keenay cabitaan waxaana markiiba sheekada furay Yaasiin oo yiri.
Yaasiin:
Waxay caawa ahaan doontaa habeen xasuus ah oo wax badan qalbiyadeea ku jiri doonto waa habeen aan buddhig u sameyneyno jaceylka curdanka ah ee aniga iyo lamaantii nafteyda Falis aan salka u dhignay kaas oo aan ugu gol leenahay in Libintiisa bahweynta mucaashiqiinta aan la wadaagi doono haye Falis.
Falis:
Maasha allah waa sidaas macaane, caawa habeen qaas ayay xasuusteena u noqon doontaa sidoo kale saxiibadeena Nuuradiin iyo lamaantiisa Leylana waxa ay caawa madashaan ka ahaan doonaan marqaatiyaal noo marag furo guusha aad caawa u talaab qaadnay.
Mar kaliya ayaa bakeeriyaashii cabitaanka ugu jiray inta ay isku dhufteen ayaa farxad loo rajeeyey Lamaanahaan caawa xaflada gaaban qabay markiiba cashadii ayaa la dalbay oo la keenay inta cashada cunisteeda ayaa lagu jiray mid walba mataantiisa cuntada afka u gelinaayay o farxada lagu wada gudoomaayey.
Markii cashadii cunisteeda la dhameeyey oo alaabtii geegeeyaha qaaday ayaa Falis warkii qadatay oo tiri
Falis:
Runtii caawa si qaas ayay farxad igu tahay mar hadaan midkaan xushay ee ay nafteyda la dhacday qacdii ugu horeysay ee ay aragtay inuu nolosha ila fahmay isla markaana xiriir salkiisa adag yahay aan caawa halkaan u dhigeyno waa igu weyn walaahi.
Yaasiin:
Noloshaan u socono ee kalsoonida ku saleysan marnaba ma ahaan doonto mid nacabka u nugul waa balan macaanto in nolosha aan farxad ku wada qaadano.
Nuuradiin:
Aniga iyo mataanteydana waxaan marag ka nahay wacadkaan aad caawa wada dhigateen haye macaanto
Leylo:
Waa sidaas illaahay kuwii ku guuleysta ha idiinka yeelo
Mar kaliya ayaa la wada yiri aamiinnn
Sheeko labo labo ah ayaa la galay in cabaar ah ayay lamaane kasta geestooda sheeko ugu camirteen iyadoo cid kasta ay doneysay in ay meesha mudo sii joogto ayaa Falis ka cudur daaratay una sheegtay gacaliyaheeda in ay sii joogi Karin qasabna ay tahay in ay xaafada ku laabato sidii ayaana lagu soo baxay iyada balamo la dhigtay sidoo kalana la isku raacay in la joogteeyo cashooyinka noocaan ah Falis waxaa la keenay xaafadii ay ka baxday oo ah halkii ay ku sugeysay Yaasmiin oo iyada cabsi xoogan ku jirtay cidii irida soo garaacdana Falis mooda"
Rayi cusub hadaad heyso noogu so dir "
Email Cumar789789@gmail.com
Xigasho jowhar.com
Comments
Post a Comment