Qaladka Ugu Xun Ee Ay Ragga Jaceylka Ka Galaan "

Qaladka Ugu Xun Ee Ay Ragga Jaceylka Ka Galaan "

Qof waliba waxa uu rajeynayaa in uu jaceyl ku dhaco uuna helo qof nolosha la wadaagta oo la qeybsata farxadiisa iyo muragadiisa , balse waxaa jira rag qalad xun ka gala jaceylka taasi oo dadajineysa eraygii dhamaadka u ahaa qisada jaceylka , 

Hadaba sidee ayay ragga jaceylka qaladka uga galaan?

Runtii qaladka waxa uu noqonayaa marka ninka uu jaceylkiisa iyo dhamaan dareemihiisa uu u qufo qofta uu jecel yahay isla maaalinta koowaad, 

si waliba oo ay ahaadaan dareemaha uu hayo ma haboona in dhamaan warqadahiisa jaceylka hal mar u wada gudbiyo .


Bamka Jaceylka: haweeneydu wax ay ninka u aragtaa mid caqli badan aan jecleyn in uu dareemihiisa ku soo bandhigo hadal , si kasta uu u ahaado mid jilacsan caadifad jaceyl xanbaarsan isla markaana doonaya in qofta uu jecel yahay u muujiyo runti si wanaagsana ugama aqbaleyso , waxa ayna xaaladaan khubarada arimaha qoyska ku tilmaameen ( Bamka Jaceylka ).

Waxa ayna ka digayaan in ninka in qofta uu jecel yahay ugu firdo baxo dareemihiisa bilaawga xariirka maxaa yeelayay mararka qaar jawaabo aan wax ku ool aheyn ayaa ka imaanaya .

Ceeb ma ah in ninka uu u arko qofta uu jeclaaday in ay tahay noloshiisa kuna kalsoon yahay balse waxaa fiican in kulanka ugu horeeya uusan ku sheegan ogaaw haweeneyda ninkaas oo kale waxa ay arkayaan faataale xarif ah oo doonaya in hadal macaan ku soo xero giliyo waana hubal difaac ayay galeysa.

Xaaladaha arintaan ka dhalan karta waxaa ka mid ah in uu ku adkeeysto in ay durbo la kulanto waalidkiisa ka hor inta uusan isaga helin furayaasha qalbigeeda taasna diidmo ayay keeneysaa waayo isagaba ma noqon qofka hore ee waalidkeeda la kulamaya.
Caalamadaha Halista Ah: Khubarada  waxa ay sheagayaan in ninka oo aad u daneeya qofta uu jecel yahay maalmaha hore ee uu xariirka la sameyay si ka bad badis ah in ay tahay arin aan loo baahneyn , ma jirto wax keenaya in xariir taleefan badan ama SMS-yo aad nafta kaga qaado iyadoo uu ninka u maleeyo in waxa uu sameyneyo ay keeneyso in aysan ka carareyn oo aysan ninka kale xariira layeelaneyn balse waa qalad waxa ayna ku talinayaan in ninka ahaado mid degan isku kalsoon fursad iyana u siiya in aysan dareemin cadaadis "

Wixii Talo Ah Halkaan iigu Reeb Mahadsanid

Email cumar789789@gmail.com


Comments