Noloshu waa jaceyl, Jaceylkuna waa Nolol!'

Noloshu waa jaceyl, Jaceylkuna waa Nolol!'

Cumar rooti "

Dawadii naftaydaay "
dadka taan ka doortaay,
Soo in aan ku daawado,
dal dheer uguma soo kecin,
dumar ha igu noqonine,
sida aan kaaga daba dhacey,
waa in aad ii daryeeshaa....!

waaban kaa danbeeyaaye,
goor waxaan iraahdaa,
duni lama amanee,
dahab waaye gabadhuyee!'

Waa su'aal furan muran badanna bulsha kasta ka dhex kicisay, Waxaase marqaati laga wada noqdey ineey tahey su'aal adag.

Qofta ka soo bixi karta ama nolosheeda/noloshiisa jaceyl iyo tan guur oo ugu horeeysa ka dhigi karta mid waarta ay tahey qof-qof dhaaftey oo aan agteeda/agtiisa la mari karin marnaba.

Waxaa xaqiiqa ah oo jirta in jaceyl oo dhan runtiisa iyo beentisa aan laga sal gaari karin guurka ka hor.

Taas oo aan kaga danleeyahay jaceyl guur kadib ayuu yimaadaa!.

Inta ka horeeysa waa malo oo kale.

Waxaa jira waxyaabo u ah laf dhabar hadii la rabo in jaceyl iyo nolol guur laga miro dhaliyo.

waxaana ka mid ah kuwaas, kalsoonida, wada-hadalka, wada-tashiga, daacadnimada iyo runta oo la isku sheego markasta, Is maqalka iyo isku naxida waa wax aan ayagana laga maarmin, Iska ilaalsha waxbaayabaha shakiga iyo kalsooni-darada dhaliya.

Dadka wararkooda aan micnaha laheeyni yaanan la isku murmin wax aan aheeyn xaqiiqo la hubo oo aad labadaada indhood ku aragtey ama labadaada dhagood ku maqashey maahane wax kale jaceylkaaga ha ula imaanin hana kula dagaalin waligaa.

Hadii aad xataa xanaaqsanatahey u fiirso waqti fiican oo qoftaan/qofkaan ay kaaga dhuuxi karto/kartid waxaa aad rabtid in aad u sheegtid, isla markaasna si caadi ah oo qalad kale lagaaga dareemi karin wax ugu sheeg si wax u saxmaan.

Laakiin waligaa wax qalbigaaga dhibaya, oo aad ogtahay in aad ku dhumin kartid kalsoonida aad u heeysid jaceylkaaga in aad ka qarisid iska ilaali hadii aad isla joogtaan waxaa waajib ah inuu dareemo/dareento waxa kaa qaldan.

Hadiisa aad kala maqantihiin waa in aad adiga waxa aad ku tuhun-santahey sheegtid.

Tan kale iska ilaali in aad jaceylkaaga u aruurisid waxii oo qalad sameeyey/sameysey si aad hal maalin ugu qaadid.
Email cumar789789@gmail.com

Comments