Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.
Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?
Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah
- Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal
- Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka
- Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda
- Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday
- Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen iskadaba joog
- Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xiraa albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku caasigaroobay)
Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa’idaystaan khayraadkaasi faraha badan ee bisha Ramadaan.
Marka la soomayo Ramadaanka
Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.
Maxaa la xiriira Soonka
Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.
Waamaxay waajibaadka Soonka
Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihii bal aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan
1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta, xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah aad ka sheegto wax uu dhibsanayo haba ahaato
2. tilmaantaa. Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad
3. Lacnada (oo habaarida ah)
4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka oran eray xun noocuu doono ha noqdee isla markaana uusa dhageysan, indhihiisa waa inuusa xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii Allena isgoo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. (“Qofkii aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa”).
Maxaa Soonka buriya
1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isgoo sooman inuu wax cabo ama cuno Alle wuu u ogolaaday soonkiisa inuu jira
2. Galmada yacni adiggoo afadaada jaamacdo maalinnimo nooc kasta ha ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo jeed kaga timaado. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto afadiisa, dhunkado waayo tani aalaaba ma keento shahwo laakiinse haddii uusan qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa) inta maalinnimada ah.
3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.
4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo 5. Ismatajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo
6. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne’e "
Wabilaahi towfiiq ramadaan mubarak "
Wixii talo iyo tusaalo halkaan iigu reeb
Email cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment