Maxaad Ka Taqaana Nolosha Dhabta Ah Ee Single Mother-ka.!!
Intaan u gudbin jawaabta badanaa laga bixiyo su’aashaan, aan iftiimiyo sida eraygaan loo yaqaano hooyada kaliya oo ubadakeeda daryeesha iyada uun ugu so badatay bulsha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada reer galbeed, markii hore eraygaan waalidka kaliga ah ee ilmahiisa korsada aad loogama aqoon jirin bulshada soomaliyeed ama aad ugu yaraan jiray waayihii hore ee bari samaadka.7
Hadaba hadii aan usoo laabto jawaabta su’aasha ayaa waxay tahay hooyada kaligeed daryeesha ubadkeeda iyada oo aan caawinaad ka helin marnaba waalidka kale.
Waalidka kaliya ee ubadkiisa daryeela ayaa ku imaada siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah
1: Burbur ku imaada qoyska
2: Dhimasho ku timaada labada waalid midkood
3: In ay kala xanaaqaan labada waalid
4: Labada waalid midkood in uu dayaco caruurtiisa
5: Labada waalid in uu barto midkood ama labadaba balwadaha dadka disha kadibna ilmaha ee dayacaan iyo waxyaalo kale oo badan.
Hadii uu ku imaado qoyska burbur caruurta ayaa waxaa soo wajahda nolol dhibaato badan, caruurta kusoo kora afartaan dhibaato oo aan soo sheegnay aya markasta waxay aad kaga duwan yihiin caruurta kale ay soo koriyeen labadooda waalid, hadii ay ahaan laheed dhanka aqoonta, dhanka aqlaaqda, iyo niyad jab ku jiro had iyo jeer cunaga aan nasiib uhelin in uu helo daryeelka labadiisa waalid.
Dhibaatooyinkaan lixaadka leh ee soo gaaray ubadkeena soomaaliyeed aya aad baryaan ugu soo batay wadamada reer galbeedka, iyadoo waalidka badankood aysan ku baraarugsaneen arimahaan dhibaatada ku haaya caruurta soomaaliyeed
Labada waalid ee ku nool wadamada reer galbeedka ayaa waxa loo baahanyahay had iyo jeeraale in ay ka fikiraan caruurtooda dhiibatada soo gaareesa iyo mustaqbalkooda.
Waxaa qoray qoraaa sare "
cumar xuseen maxamed ( cumar rooti )
Email cumar789789@gmail.com
Email cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment