Uurka iyo Todobaadka (week-9) sagaalaad
Isbuuca Sagaalaad ama biloowga bisha sadaxaad waxaa uurjiifta u dhamaanaysa inta badan samaysanka xubnaha, waxuuna hadda leeyahay xubnaha oo aan ahayn kuwo caadi ah ama aan u ekayn kuwa canuga markuu dhalanayo, sidaa oowgeed isbuucan waxa bilaabanaya korriinka xubnihi samaysmay ama korriinka culays ahaan iyo size ahaanba. Wadnaha ayaana si dhamaystiran ushaqaynaya hadda
Calaaamadaha aad dareemayso isbuuca sagaalaad
Inkastoo eey jiraan calaamado badan hadana kuwa oogu daran waxaa kamid ah:
- Dibiro: waxaad dareemayso dibiro ama aariyo caloosha galaysa
- Laabjeex; isbadal hormoon oowgii waxaad dareemaysaa laab jeex, taasina waa sababta eey dhakhaatiirta kugula taliyaan cuntooyinka fud fudud inaad si joogto ah/iskuxigxigta uqaadatid iyo inaadan dhabar dhabar useexan
- Cadaadiska dhiigga iyo sokorta jirka (Blood Sugar Levels) oo hoos udhaca oowgood waxaad dareemi doontaa caajis badan
- Isbadalka Hoormoon waxuu sidoo kale keena dabeecadda oo isbadasha; dabeecad isbadalkaa waxaa kamid ah, inaad nacdo/kudhibo wakhti laqaadashada lamaanahaaga ama inaad aad ujeclaatid lajoogiddiisa
Talooyinka aan kusiinayno
- Haddii aad da’da 35naad kaweeyntahay ama ee jiraan xaalado caafimaad oo lakala dhaxlo qoowkaada (caafimad daro uu kudhashay qof aad dhalasho wadaagtaan) usheeg dhakhtarka, waxuuna kuusamayn doonaa baaritaan (chorionic Villas Sampling), si loo ogaado inuu canuga leeyahay dhibaato caafimaad oo lakala dhaxlo, waxaa tissue (Cad) lagasoo qaadi doonaa Balaasantaha kadibna baaritaan baa lagu samaynayaa
- Uqaado cuntooyinka si iskuxigxigta, oo iska ilaali dhaqanka Soomaalida ee ah Casho, qado iyo quraac oo kali ah
- Laabjeex, kaadi badaan iyo caloosha oo size ahaan korodha iyo xanuuno ayaa keenaya inaadan hurdin ama hurdada kugu adkaato sidaa oowgeed isticmaali barkimo iyo inaad dharka sariirta iska badashid si joogto ah
- Maadaama dabeecadahaaga isbadalayaan, wax kasta si dhab ah ha u qaadan, hana gaarin go,aano ad adag
Dhamaad
Waad kumahadsantahay inad qodobkan akhrisay ee fadlan nala wadaag waxii talo ama cilmi ah ee aad nagu biirinaysid adigoo hoos kuqoraya ama noogusoo hagaaji Page-keena Facebook-ga page ka cumar rooti "
Mahadsanidiin
Email cumar789789@gmail.com
Comments
Post a Comment