
Kulanti wcn oo wngsan waa saxibkiin Cumar rooti oo idin leh jimco wngsan
Noqo Qof Quluubta Dadka Soo Jiita Lana Jecel Yahay..
Akhriste sidaad horeba uga baratay bahda arimaha bulshasa inay kusoo bandhigto maqaalo iyo macluumad nacfi iyo waxtar u leh akhristayashayada aanu jecel nahay, isla markaana aanu isleenahay waxad ku raali gelin kartaan dadka sida tooska ugu xidhan bogaan, maanta waxan halkan idinku soo bandhigi doona maqaalka aan horgalaha uga dhigay NOQO QOF QULUUBTA DADKA SOO JIITA LANA JECEL YAHAY !.
Sida aynu wada ogsoon nahay qof kasta oo inaga mid ahi wuxu jecel yahay ama uu ku han weyn yahay inuu noqdo qof bulshada dhexdeeda laga tixgeliyo isla markaana ku leh ixtiraam iyo xaq dhowr, hadii ay sidaa tahay maxa kuu diiday inaad raacdo talaabooyinka hoos ku xusan si aad uga midho dhaliso hamigaaga bulshada dhexdeeda??
1:SALAANTA ISLAMKA.
Salaanta islaamka oo la badiya waxay ka mid tahay waxyabaha lagu kasbado jacaylka bulshada dhexdeeda, sido kale salanta islamku waxay ka mid tahay tilmamihii RASUULKA SCW lagu yaqaanay isagoo asxaabta la hadlayo ayuu yidhi (n.n.k.h)(ma idin tusiya wax hadaad samaysan aad is jeclanaysaan?) waxay ugu jawaben haa (salaanta islaamka dhexdiina ku faafiya ayu ugu dhameeyay).
2: HADALKA WANAGSAN.
Hadalka wanaagsani wuxuu soo jiita qalbiga qofka bani aadamka ah madaama aad kula hadashay hadal uu qalbigiisu ku farxay, qofba qofkuu ka hadal iyo haasaawe wanagsan yahay ayuu bulshada dhexdeeda ka mudan yahay, hanoqonin mid hadal xun ama hadalkiisa la dhibsado . Nabi Muhammed SCW wuxuu yidhi “Hadalka wanagsani waa sadaqo.
3: WEJI FURFURNAAN ( BASHAASHNIMO)
Bashaahsnimadu wa adiga qofka ku qaabila weji furfuran islamarkana laga dheehan karo farxad waxanay fududaysaa inaad dadka isku jeclataan wixii calooshoda ku jirana ay kuugu sheegan karaan si dhib yar.
4: IXTIRAAM WANAGSAN
Qofka bani aadamka ah lab iyo dhadig wuxuu ahaadaba waxaa wanagsan inaad ixtiraamtid oo aad qiimeysid maadama uu yahay qof bani aadam ah Ilaaheyna uu siiyay karaamo ogow adiga dadka marka aad ixtiraamtid adna in lagu ixtiramayo.
5: RUNTA OO LA SHEEGO
Runta oo la sheego waa astaamaha qofka wanaagsan waana astaanta lagu yaqaano dadka uu Ilaahey jecel yahay, ogow in runta lagugu jeclaanayo dad badana quluubtooda aad kuso jiidan kartid waayo runta oo aad joogteysid waxay kaa bixineysaa astaan qurxoon oo uu dadku ku aamino laguna jeclaado.
6: WAX ISA SIINTA
Wax isa siintu iyadoo ay ku wajib tahay qof walba hadana waxay ka mid tahay waxyabaha dadku isku jeclaadaan qulubtoodana isu dhaweeya, mana aha inu qofku idhaahdo ma haysto xoolo ama hanti an la baxo, hadii aanad xoolo iyo hanti lahayn waxad la bixi karta xoogaga, cilmigaaga , maskaxdaada iwm.
Comments
Post a Comment