
Sirta Nolosha!! Maxaa Ka Ooysiiyo Badanaa Habeenka "
Wax sahlan maaha in jawaab deg-deg ah aan markiiba u keeno su’aasha ah Maxaa Ka Oysiiyo Habeenka marka xaalad adag qabsataba? Alle SW ayaa innaga ogdhan ina abuuray, hase yeeshee waxaan idin soo soo gudbinayaa sheeko aan doorbiday in aan idinla wadaago :
Wiil yar ayaa u tagay aabihii wuxuu weydiiyay su’alwuxuuna yiri ” waa maxay sababta hooyadey ugu ooyeyso ujeeddo la,aan? aabihii ayaa ugu jawaabay ” Dhamaan dumarka ayaa sidaa iska ah oohin billaa ujeeddo ah”. Wiilkii wuu weynaaday isagoo weli jawaab u helin sababta dumarka u ooyaan. Maalin ayuu u tagay nin sheekh ah wuxuuna weydiiyay su’aashii Maxaa Ka Oysiiyo Habeenka ?
Sheekhii ayaa ugu jawaabay” Dumarka alle ayaa si gaar ah u abuuray, wuxuu ka yeelay kuwa garbahoodu adag yihiin si ay culeyska adduunka uga xambaaraan, weliba u fududeeyay iyagoon ku dhibtoon. wuxuu kaloo alle siiyay dulqaad iyo sabir ama samir xilliga dhalmada iyagoo marar kala duwan umula caruur badan, wuxuu kaloo alle siiyay ad-adeyk horu socod leh taas oo aan ragga la siin, ku darso oo waxey leeyihiin dumarka maskaxda xanaaneysa ubadka iyo qoyska xilli walba xitaa iyagoo xanuunsan maamulka qoyska cid uga wanaagsan malaha mana ka cawdaan taasi.
Sheekhii oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” wuxuu kaloo alle siiyay dumarka jaceyl ay jecel yihiin caruurtooda, welliba waxaa ku beeran qeyb tilmaanta marxaladaha ubadka xitaa haddii uu dhaawac soo gaaro. dumarka wuxuu alle siiyay laab furnaan ay ku qaabisho ninka qaba iyadoo xafidda baahiyahiisa oo dhan iyo waxyaabaha uu ku xun yahay iyadoo ilaalisa qalbiga seygeeda. dumarka wuxuu alle ugu deeqay xigmado ay ku ogaadaan ragga kiisa xun iyo kiisa fiican, laakiin mararka qaarkood wey imtixaanaan iyadoo eegeysa awooddiisa.
Ugu dambeyn ayuu sii raaciyay sheekhii waxuu alle siiyay dumarka ILLIN ay daadiyaan si hagar la,aan ah, illintaas waa kuweeda sida gaar-ahaaneed u isticmaasho mar kasta oo ay u baahato. Ma aragtaa wiilkeygyow ” quruxda dumarka kaliya maaha dharka ay xiran tahay, habka tinta madaxeeda u diyaariso, ee quruxda dumarka waa midda laga arko indhaheeda,maxaa yeelay waddada tagta qalbigeeda ayaa ah Meesha jaceylka degan yahay.
Comments
Post a Comment