
FAALLO :DHIBAATADA QAADKA IYO SAAMEYNTA WEYN EE UU KULeeyahay Bulshada.
Dhibaatada Qaadka uu u leyahay Bulshada qeeyba heeda kala duwan sida aynu wada ogsoonahay Qaadku waa Geed cagaaran oo maandooriya ah kaa soo ka baxa Dalal kala duwan oo ka mid ah daafaha caalamka oo ay ka mid yihiin Yeman ,Kenya , iyo Ethiopia inkastoo uu Somalia uga yimaado Dalka dariska la ah ee kenya.
Geedka loo yaqaaano Qaadka ama jaadka waa geed mukhaadaraad ah, kaa soo geyesta dhibaatooyin fara bada oo ka mid yihiin sidan hoos ku xusan
1. Caafimaad daro oo ku timaada qofka cuna qaadka
2. Faqri iyo burbur dhaqaale
3. Muran xoogan oo soo kala dhaxgala qoyska kaa soo mararka qaarkood sababa furniin
Geedka qaadka waxa uu noqday bar yahaan dambe mid ay sii badanayaan dadka cuna siiba caruurta yar yar ee dadoodu u dhaxeeyso 10jir-20jirka ku waa soo dhamaantood qaadka ka dhigtay cunto ama quutal daruuri geedkan qaadka ahi ayaa waxa uu leeyahay Magacyo badan oo ay ka mid yihiin Dadar,Boondaro,Madhab,iyo Jabis waxaa sidoo kale waqtiyada loo fadhiyo ee la cunayo qaadka u la bexeen Magacyo ay ka mid yihiin Jabane,Barje,iyo waliba Qarxis, qaadku waxa uu keenaa xanuuno badan oo ku yimaada raga cuna sida hurda la’aan, kelyo xanuun, qabsin iyo waliba xanuuno kale oo badan.
Hadaba su’aasha is weeydiinta mudani waxay tahay maxay ka qabtaa diinta islaamku qaadka?
Waxaan wax ka weeydiiyay oo aan su’aashan usoo bandhiga sheekh C/rashiid Shiikh C/laahi oo ka mid ah Sheekhyada waa weyn ee Magalada Oodweyne waxuuna hadalkiisu ku bilaabay sida tan:
“Bismilaahi raxman raxiim Qaadku waa sheey xaaram ah waayo wax walba oo maanka iyo maskaxda waxyeeleeyo , waa xaaraan sida Nabiga ka sugnaatay (SCW) ,waxay diinteenu naga xaaraan tinimeeysay ma aha in aanu isticmaalno, markaa waa inaynu ka waan tawnaa waxyaaabaha xun xun oo ay ka mid yihiin mukhaadaraaadka qeeybahiisa kala duwan sida qaadka, sigaarka, iyo qamriga ,sidaa darteeda waa in ay dadku u fahmaan sidaas”
Iyadoo lawada ogsoonyahay Qaadku inuu yahay mukhaadaraad ay ku jirto daroogo wax weeyn maskaxda qofka ka badali karta oo gaadhsiin karta waxyeelo weyn, waxaan qormadeydaan ku soo Afmeerinayaa, waxaan leeyahay dadka Qaadka cuna ka fakara noloshiina iyo mustaqbalkiina sidaa darteed saacada keliya ee kugu dhaafta fadhiga Qaadka maandooriyaha , dib kugu soo noqonmayso “Waqtigu waa seef ee jar intaanu ku jarin” cod ahaan gudaha ka dhageyso :
Comments
Post a Comment