Isku aadka afar dhamaadka cayaaraha maamul goballeedyada oo lasoo saaray. yaa isku aaday yaase kala badbaaday "
Isku aadka afar dhamaadka cayaaraha maamul goballeedyada oo lasoo saaray..
21 July 2016
Waxaa weli magaalada Muqdisho, si xiiso leh uga socdo cayaaraha u dhaxeeyo maamul goballeedyada iyo gabalka Banaadir, waxanna uu hadda soo gaaray wareegga afar dhamaadka.
Qeybta koowaad waxaa kasoo baxay Banaadir iyo Puntland oo helay min afar dhibcood, iyadoo Banaadir ay gool dhalin ku gashay kaalinta koowaad, halka Koonfur Galbeed ay tartanka ka hareen,
Qeybta labaad waxaa soo gudbay Hiiraan/Shabeellaha Dhexe oo noqday kooxdii ugu horeysay ee wada guulleysatay kulamadii ay ciyaartay intii ay ku jirtay Group-ka, waxanna wehliyanaya Jubbaland, oo labadii ciyaar ay dheeshay laga adkaaday mid halka mida kale ay iyada badisay, waxaanna qeybtaasi ka haray Galmudug.
Banaadir, ayaa ku begantay Jubbaland, waxaanna ciyaartan la dheelli doonnaa berri oo Jimco ah, halka Sabtida ay wada ciyaari doonnaan Puntland iyo Hiiraan/Shabeellaha Dhexe.
Ciyaarta kama dambeysta ayaa waxaa la ciyaari doonnaa maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 25-July-2016.
Comments
Post a Comment