Habka ugu haboon ee aad ugu jawaabi karto qof aadan rabin oo jaceyl kuu soo bandhigto (Talooyin Muhiim ah )

Habka ugu haboon ee aad ugu jawaabi karto qof aadan rabin oo jaceyl kuu soo bandhigto (Talooyin Muhiim ah )


Qofka ku jecel waxa ay marwalbo kaaga baahantahay xushmad iyo in aad marwalbo u dhimriso waxaase mararka qaar dhacdo in qof aadan jecleyn uu kuu qaado jaceyl xad dhaaf ah haddaba maanta webka cumar rooti arimaha bulshada waxoo ku barayaa qaabka aad u wajihi lahayd haddii qof aadan rabin uu kuu soo bandhigto Jaceyl .
– hadal kulul ha ugu jawaabin : dareenka qalbiga ka yimaado qofna ma xukunto ee waa wax uu eebe ku beero habada qofkan jaceylka kuu soo bandhigtay kasoo qaad adiga oo kale oo u muuji sidii aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo .
– Maya toos ah haku oran : iska jir in aad diidmo qayaxan ka hor geyso taas oo laga yaabo in qalbigiisa ay wax yeelo u geysato oo aad ku reebto dhaawac Nolashiisa aan ka harin.


 beautifulethiopiangirls
– Haye been ah qalbi dajis ha uga dhigin : isja jir in aad Haye aan qalbiga jirin oo iga sii jeedi ah aad ku tiraahdo ruux jeceyl kusoo bandhigtay webka cumar rooti arimaha bulshada waxoo kuu xaqiijinayaa qofkii aad sidaas yeesho inadan qalbi u dajin oo aad u horseedi doonto qalbi hur iyo kalsooni daro Farabadan .
Ugu danbeyntii waxaan kugula talineynaa in aad Maskax dagan ku qaabisho jawaabta aad siineyso Ruuxa aadan rabin oo jaceylka kuula yimaado hana isku dayin inaad isla markiiba jawaab siiso u sheeg in aad u baahantahay waqti aad kaga soo fakarto , kulankiina labaadne ha noqdo adigoo qorshihii aad ku wajihi lahayd Soo dajistay .

Cumar rooti arimaha bulshda

Comments

Post a Comment