Dumarka da'dooda ka wayn tahay afartan ayaa dhala caruur ka badan dumarka da'doodu ka hoosayso 20-ka markii ugu horaysay toddobaatan sano, sida ay lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah ee England iyo Wales.

Dumarka da'dooda ka wayn tahay afartan ayaa dhala caruur ka badan dumarka da'doodu ka hoosayso 20-ka markii ugu horaysay toddobaatan sano, sida ay lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah ee England iyo Wales.
Xogta Xafiiska Tirikoobka Qaranka ayaa sheegaysa in la dhalay 697,852 oo canug 2015-kii.2016 kii
Markii ugu danbaysay ee dumarka afartanka ka wayn ay dhalaan caruur badan waxay ahayd 1947-dii dagaalkii labaad kaddib.

Tirada ayaa muujinaysa labo wax oo socda ee dadka dhalaya ilmaha iyo waqtiga ay dhalayaan ee dagan Egland iyo Wales.
Uurka ay qaadaan gabdhaha dhowr iyo toban jirka ayaa hoos u dhacayay waqti dheer, wuxuuna ka yaraaday kala bar tan iyo 1990-kii.
Hadda da'da ugu badan ee ilmaha lagu dhalo ayaa ah 30, taas oo korortay tan iyo 1975-tii.
Horumarka laga gaaray daawaynta ilmo dhalidda, dumar badan oo wax bartay, muhiimada shaqada ay leedahay iyo nolosha qaaliga ah ayaa kor u qaaday da'da ay dumarka ilmaha ku dhalaan.
Liz McLaren, oo ka tirsan xafiiska tirikoobka ee Office for National Statistics, ayaa sheegtay in "afartankii sano ee la soo dhaafay ay kordhaysay ilmaha ay dhalaan dumarka da'doodu ay tahay 35 iyo wixii ka koreeya.
"Dumarka da'doodu ay tahay 40 iyo wixii ka koreeya ayaa hadda dhala ilmaha ugu badan, markii la barbardhigo dumarka da'dooda ka yar tahay 20, tan iyo 1940-meeyadii."
Sidoo kale tirada ayaa sheegaysa in ay yaraatay ilmo dhalidda dumarka ay da'dood ka yar tahay 25-ka, waxaana korodhay ilmo dhalidda dumarka ay da'dooda tahay 30 iyo wixii ka koreeya.

Comments