ka faa ii deeso qoondada ama dhirta "

Qoondarka ama waxa loo yaqaano "Flaxseed" waa nooc ka mid ah dalagyada la cuno sida gallayda iyo masagada oo kale.

Qoondarka waxaa ku jiro waxyaabo faa'ida u leh caafimaadka qofka sida dufanka caafimaadka u roon ee loo yaqaano "Omega-3", saliiddaan oo wadnaha u roon, waxaana la qiyaasaa halkii qaaddo oo qoondar ah inay ku jirto 1.8 gram oo "Omega 3" ah.

Maadada kale ee faa'idada leh waxaa loo yaqaanaa "Lignans" oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha "anti-oxidant", waa dalaga ugu badan ee ku jirto maadadaan markii loo fiiriyo dalagyada kale.

Geedkaan waxaa badanaa dunida loo abuurtaa si saliid looga sameeyo, laakiin cunno ahaane waa loo gadaa iyadoo laga sameeyay waxyaabo kala duwan.

Cilmibaaris dhowr ah ayaa lagu sameeyay, waxayna sheegeen inuu alle ku abuuray awood ka hortag kansarka naasaha, qanjirka borostaatada iyo kansarka xiidmaha.

Sidaas awgeed, waxaa haweenka lagula dardaarmaa inay badsadaan cunista qoondarka si halista kansarka naasaha u yaraato khaassatan haddii ay dhaxal u leeyihiin.

Cilmibaarayaal kale ayaa sheegay inuu caafimaad u leeyahay wadnaha, una fiican yahay dadka qaba macaanka, isagoo yareeyo halista in sonkorta ay dhaawac gaaarsiiso xubnaha jirka.

Sidaas ay tahay, waxaa lagula dardaarmaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya inaysan cunin qoondarka illaa warbixin dheeraad ah laga helayo. waxaana weli ku socdo cilmibaarisyo dhowr ah.

Qoondarka wuxuu u kala baxaa laba nooc mid jaallo ah iyo mid guduud dahabi ah, labaduba waa isku faa'ido, waxaad soo gadan kartaa miraha oo noolnool ama iyagoo shiidan, waxaana fiican in la shiido si jirka uga faa'idaysto, waxaadna ku darsan kartaa cunnooyinka kale ee aad cunaysid sida mushaarida, maraqa, caanaha fadhiyo iyo suugada.
Waxaad kaloo ku dari kartaa burka inta aadan dubin.

Marka qoondarka, isagoo la saloolin ama la karin waa la cuni karaa, laakiin sida ugu habboon waa in la shiido isagoo aan la saloolin, kadibne lagu darsado cunnada aad karin rabtid ama cuni rabtid.

Comments