Bakhiilka daawo maleyahay


Cilmibaarayaal u dhashay dalka Israel ayaa waxay soo daabaceen qoraal ay ku sharxayaan in ay cilmibaaris ka dib heleen hidde-wade ama "gene" u qaabilsan qofka inuu deeqsi noqdo.

Waxay hidde-wadaha ku sheegeen magaciisa "AVPR1a" kanoo laga helay dadka deeqsiyaaasha ah, waxayna arrintaan tilmaan u noqon kartaa in dabeecadaha dadka qaarkood ay xiriir la leedahay hidde-socodkooda.

Waxuu hidde-wadahaan howshiisa lagu sheegay inuu maskaxda ku kordhiyo ama ka howlgaliyo hormone ama dheecaan loo yaqaano "Arginine Vasopressin", hormone-kaan oo howlaha uu jirka u qabto ay ka mid tahay inuu kordhiyo "isdhex-galka iyo ku-xirnaanshada bulshada"

Intaas kadib, dadkii lagu samaynay cilmibaarista qaar ka mid ah ayaa waxaa lagu buufiyay ama sanka laga siiyay daawo hormoonkaas kordhinayso, kadib waxaa la arkay isbadal weyn oo ku aadan dhinaca deeqsinimada.!!

Sidaas awgeed waxay cilmibaarayaashu sheegeen inay soo muuqato rajo in Aw-bakhiil mardhow daawo loo heli rabo!!.

Akhristow sidee u aragtaa cilmibaaristaan ma kula tahay suuragal in dabeecadaha noocaanoo kale ah daawo lagu badali karo?!, Mahadsanidiin.

Comments