AQRISO: Qoddobo Muhiim U ah Naftaada Kaana Caawinayo In Aad Hormariso Noloshaada Gaartidna Hamiga aad Leedahay.
Mararka qaar waxaan jecelnahay inaan nafteena wanaajino, laakin inteena badan ma garaneyno qaabka ugu fiican ee lagu hormariyo nolosha. Xaqiiqdi waxaa jira waxyaabo badan oo kaa caawinaya inaad noqoto qof wanaagsan. 6-dan qodob waxay kaa caawin doonaan inaad naftaada hormariso misana aad wanaag dareento,kana aqriso halkaan WWW.cumarrooti.com



Ka dhigo asxaab dadka wanaaga u saaxiibka ah.
Waxaan hubaa ugu yaraan inaad taqaano mid ama labo qof oo xumaan u saaxiib ah. Hadaba isku day dadkaas inaad iska ilaaliso, maxaa yeelay waxey ku dareensiin karaan xumaan, xitaa iyagoon waxba kugu dhihin, u dhoweey naftaad dadka wanaaga leh kuwaasoo waqti kasta ku dareensiin doona wanaag.



Si wanaagsan u fakar
Dhabcan waa wax fudud inaad six un u fakarto marka ay wax xun kugu dhacaan. Laakin adiga kuuma wanaagsana. Fakarka xun wuxuu kaa yeeli karaa niyad jab. Marka ay wax xun kugu dhacaan waa inaad dhinaca wanaagsan u fakartaa xumaantana aadan ku degdegin adigoo Ilaahay SWT kaashanaya isgana tala saaranaya.



Naso
Dadka inta badan aad bay u shaqeeyaan, ha ahaato shaqadooda ama mid guriga. Hadii aad u shaqeyso si aad ah maalin kasta, waa kuu muhiim inaad qaadato waqti aad ku nasato, maxaa yeelay adiga ayey muhiim kuu tahay maskax ahaan iyo jir ahaan, waxaadna ku nasan kartaa wax walba oo aad markaasi xiiseyneyso.



Naftaada xanaanee
Waxaa kaloo naftaada aad ku horumarin kartaa inaad xanaaneyso. Ha noqoto inaad waqti ku bixiso nadiifinta iyo qurxinta jirkaaga taasi waxey kaa caawineysaa inay maskaxdaada degto fikradaha xun ay ka baxaan.



Xasuusnow in qof wanaag u dhameystiran uusan jirin.
Hadii aadan u muuqan qof fiican ama aan ka dhameytirneyn meelaha qaar, uma baahnid inaad naftaada hoos u dhigto. Waa muhiim inaad ogaato in qof weliba uu leeyahay dhinac xun. Hadii aad taasi ogaatana hamigaaga nolosha si fudud ayaad ugu guuleysan doontaa.



Noqo mid leh hiwaayad.
Dadka inta badan waxey hoos u dhigaan naftooda, maxaa yeelay waxay waqti badan ku bixiyaan ka fikrida waxyaabaha xun. Hadii aad leedahay hiwaayad taasoo aad ku raaxeysan karto  ama aad sameyso waxyaabo xiiso leh, ma heli doontid waqti aad ku fakarto waxyaabo xun

Comments