BALANTEEENU WAA TAHRIIB ?












Inta dugsi hoose ilaa heer Jaamacadeed waxbarashadu lacag tahayBALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta dhalinyaradu shaqa la’dahay BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta Tahriibaha shalay yahay qurba joogga manta, qurba joogtuna mudnaanta shaqo leeyihiin Qoraxjoogta BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta qofka sito baasaboorka soomaaliga ah ku bahdilanyahay Airporada Jabouti, Nirobi & Kampla, qofka Ajnabiga ahna soomaaliya Fiisaha lagu siinayo airporadeena, BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta ciidamadeena iyo dableyda kala duwan waddooyinka hubkooda ku marayaan gaarigii ama qofkii kusoo aadana xabbad aan loom eel dayin lagu furayo BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta daawooyinka dhacay iyo dhakhaatiir aan la hubinin dadkeena naftoodi u gacan galayaan BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta bulshadeeni baadiyaha iyo xoolaheena sanad waliba oon iyo gaajo u dhammaanayaan, deegaanada iyo beeraha webiyada ku teedsanna fatahaado la barakacayaan, BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta 22000 askari ajnabi ah caalamka dhaqaalo ku siinayo xasilinta soomaaliya, xaalkuna yahay 10 sano kadib faanoole fari kama qodna, askarigi soomaaliyeedna daryeel la’aan ku sugan yahay, BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!
Inta Oday Futushaari loo talay xildhibaan noo xulayo, Xildhibaankuna codkiisa xaraashanayo BALLANTEENU WAA TAHRIIB !!!

Comments