Sidaan beri ahaan jirnay iyo Halka waqtigu inna dhigay!
Waxa iiga sheekeynaya Maxamed Xaaji oo waqti badan ahaa Wasiir ku xigeenkii Macdanta iyo Biyaha ee dowladdii meleteriga kana tirsanaa XHKS.
Waqtigu waa bartamahii todobaatanaadka ,diyaarad ay leedahay British Airways ayaa si qalad ah ku soo gashay hawada Soomaaliya .Waxaa arkay Raadaarka ciidanka cirka Soomaaliya ,waxaa diyaaradda lagu wargaliyay in ay ku soo xadgudubtay hawada Soomaaliya oo ay dib uga laabato . Duuliyihii diyaaradda oo aheyd rakaab wuu ka madax adeygay amarka la siiyay .

Saraakiishii ciidmada cirka Soomaaliya waxa ay wargaliyeen madaxdii sare ee wadanka General Maxamed Cali Samatar ayaa dhaqso warkii loo gaarsiiyay ,waxa uu isna durbo arnitii uu la wadaagay Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ,waxa la isku raacay in diyaaradda qasab lagu soo dajiyo.
Sadax miig oo ah kuwa dheereeya ayaa laga kiciyay Ballidoogle ,waqti yar kadib diyaaradii British Airways waxa ay aragtay labo Miig oo midna ka sareeyo labana ay dhinacyada ka xigaan waxa lagu armay in si nabad ah ay ku dagto.

Xiriiro ayay damceen in ay la sameeyaan raadaarkii hore ay amarka ugu diidaan laakiin looma jawaabin ,Khartuun ayay la xiriireen si London loo gaarsiiyo waxii dhacay.
Waqti aan badneyn kadib diyaaradiij Rakaabka ee British Airways waxa la soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Rakaabkii waxaa la amaray in la dajiyo Hotel Jubba ,shaqaalihii diyaaraddana waa la xiray .
Wadahadal waa ay diiday dowladii Soomaaliya waxana la geeyay Shaqaalihii iyo diyaaradiiba Maxkamadda oo ganaax baa lagu xukumay kadib ayaa shaqaalihii iyo diyaaradiiba la sii daayay dhawr maalin ka dib.
Duuliyihii diyaaradda waxa laga soo xigtay in uu yiri "This is another Africa".
Hadda maxey kula tahay ? Maanta Hawadeena iyo Baddeenaba warkood daaye ,Ciiddeena shisheeya maka koontorooli karnaa ?

XIGASHO MOHAMED IBRAHIM MUALIMU
Comments
Post a Comment