Tababaraha kooxda Watford Quique Sanchez Flores iyo xiddiga kooxda Watford Odion Ighalo ayaa loo kala magacaabay tababarihii iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii December.
Kooxda Watford ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee bishii December iyagoo kor u soo koray kala sareynta horyaalka, waxaana rikoorkooda guuldarro la’aanta la jabiyay kaliya ka dib ciid gaaleedkii markii ay guuldarro 2-1 ah ay kala kulmeen Tottenham, waa natiijo timid ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Liverpool iyo barbaro 2-2 oo ay ku qabteen Chelsea.
Watford ayaa tan iyo markaas u dhacday kaalinta 10aad ka dib markii laga badiyay seddex kulan oo isku xigta, laakiin Sanchez Flores ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda kooxda ee ku guuleystay abaalmarinta bilaha Premier League.
Ighalo ayaa dhaliyay shan gool bishii December oo ay ku jirto labo gool uu ka dhaliyay Liverpool waxaana wadar ahaan uu xilli ciyaareedkan dhaliyay 13 gool isagoo kaalinta seddexaad kaga jira kala sareynta gooldhalinta waxaana uu ka danbeeyaa Romelu Lukaku iyo Jamie Vardy.
Comments
Post a Comment