Skip to main content
rasmi arsenal oo dhamestirtay heshiiskii mohamed Elneny
Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Mohamed Elneny uu yahay ciyaaryahan Arsenal ah.Heshiiska uu Mohamed Elneny uga soo wareegayay kooxda FC Basel uguna soo biirayay kooxda Arsenal ayaa la dhameystiray sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxda Arsenal. Wenger oo hadlayay ka dib barbarihii 3-3 ee ay kooxdiisa kala kulantay Liverpool ayaa xaqiijiyay in Elneny uu ku biirayo Gunners islamarkaana uu ka mid noqon karo kooxda wajaheysa Stoke City maalinta axada.“Elneny waa uu inagu soo biiri doonaa. Waaba uu inagu soo biiray” ayaa yiri Wenger. “Waan arki doonaa haddii uu ciyaari karo axada.”Arsenel ayaa sidoo kale waxaa diyaar u noqon kara Alexis Sanchez kulanka ay u safrayaan Britannia Stadium. Xiddiga reer Chile ayaa baaris caafimaad wajahaya sabtida.Wenger ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxa uu mari doonaa baaris caafimaad sabtida. Ma ahan wax aan macquul aheyn inuu ciyaaro.
Comments
Post a Comment